Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay saddex Mashruuc oo xukuumaddu ka fulinayso gobollada dalka, kuwaas oo ay ku tartamayaan 70 shirkadood oo kuwa dhismaha ah.
Mashaariicda xukuumaddu fulinayso ee tartanka qandaraasyadooda la daah-furay maanta, waxa ka mid ah Dhismaha deyrka Garoonka Diyaaradaha ee Boorama, Dhismaha Hool cusub oo lagu kordhiyo Dugsiga degmada Adhi-caddeeye ee gobolka Sool iyo Dhisme hool ah oo lagu kordhiyo Xarunta Xeer-ilaalinta Qaranka.
Munaasibad lagu daah-furay tartanka qaraasyada Lixda Mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelnayso dalka oo maanta ku qabsoontay xarunta Guddiga Qandaraasyada, waxa goob-joog ka ahaa oo ka Qayb-galay xubnaha Guddiga Qandaraasyada, Shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda ee mashaariicda loo fulinayo.
Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay oo faahfaahin ka bixiyey noocyada Qandaraasyada iyo tirada shirkadaha fulintooda u tartamaya, guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo sheegay in mashaariicdan kharashka ku baxaya laga maalgelinayo Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan 2020-ka.
Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net