Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay shirkii dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in aanay waxba ka khuseynin shirkii dhexmaray Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, isla markaana uu gaar u ahaa labada dhinac loona qabtay Soomaaliya iyo maamul goboleedyadeeda.
Wasiir Faratoon waxa uu sheegay in aanay Somaliland marnaba gor-gortan ka geli doonin madax-banaanideeda, islamarkaana ay xaq u leeyihiin in la siiyo aqoonsi caalami ah, waxaanu caddeeyay in aanay khuseynin shirarka loo qabto Soomaalida.
โMarna Somaliland ka gor-gortami meyso madax banaanideeda waa dal jira oo leh nidaam dawladinimo, Calan uu ku qoran yahay tawxiidka ALLE, madaxweyne Shacabkiisu si xor ah u doorteen iyo heyโadddo dowladeed oo dhameystiran lehโ, sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland.
Waxaa kale oo sheegay inay wadaan dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan aqoonsi Caalami ah, isagoo xusay inay arrintaasna ku rajo weyn yihiin.
โWaxaanu ugu baaqeynaa Beesha caalamka inay tixgeliyaan rabitaanka umaddayada iyo dawladnimada dalkayaga, maxaa yeelay jiritaanka Somaliland iskama iman ee shacabkaa u codeeyeyโ Sidaas ayuu yidhi Wasiir Faratoon.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net