Madaxweyne Silanyo oo ka Tacsiyadaynaya Ehelka, qaraabada, Asxaabta iyo dhammaan Shacbiweynaha Somaliland Geerida Marxuum Dr. Cabdishakuur Sh. Cali Jowhar

0

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Guud ahaan Shacbiga Somaliland, Qoyska Reer Sheekh Cali Jawhar, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Aqoon yahankii weynaa ALLE ha u naxariistee MARXUUM, DR. CABDISHAKUUR SHEEKH CALI JAWHAR oo ku geeriyooday (13.05.2012) Shil Baabuur oo ka dhacay Waddada u dhaxaysa Boorama iyo Dilla.

Madaxweynaha oo ka hadlaaya qiimaha u MARXUUMKU ku lahaa bulshada iyo Qaranka Somaliland waxa uu yidhi:-

ILLAAHAY NAXARIISYII JANNO ha ka waraabiye DR. CABDISHAKUUR SHEEKH CALI JAWHAR waxa uu ka mid ahaa aqoon yahanada waa weyn ee u dhashay Dalka Qiimo weyna ugu fadhiyey bulshada iyo Qaranka Somaliland, waxaanan illaahay ka baryayaa inuu dhamaanteenba Samir iyo iimaan ina siiyo, Cawil-naqiisana inoogu deeqo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu illaahay uga baryayaa Oorida Marxuumka oo ku dhaawacan tahay shilkaa laftiisa Marwo Nimco Muxumed Maxamuud inuu illaahay u fudaydiyo Caafimaad deg-degana ka siiyo dhaawacaa ka soo gaadhay shilkaa baabuur.