Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xeer madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 09/112020, waxa uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka.
Madaxweynuhu waxa uu muddeynta diiwaangelinta Codbixiyeyaasha u tixraacayey Qoraal oo tixraacaya qoraal Guddi ay 28-kii bishii hore u soo gudbiyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo madaxweynaha ugu gudbiyeen soo-jeedinta wakhtiga Qabashada Diiwangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa uu wareegtadiisa ku yidhi, “Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020;
Markaan Tix-geliyey: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/076/2020, kuna taariikhaysan 28/10/20;
Markaan Dersay: Soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Wakhtiga Qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha;
Waxaan Go’aamiyey; In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinku ka bilaabanto Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 29/11/2020.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi wareegtada uu xeerkan ku soo saaray oo sumaddeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net