Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta garoonka Kubadda Cagta ee Hargeisa Stadium ka dhacay Kulamo xiiso leh oo ka tirsan is-aragga labaad ee kooxaha ku jira Group-ka B ee tartanka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland.
Xulalka gobollada Daadmadheedh, Xaysimo, Sanaag iyo Saaxil oo ka wada-tirsan Group B, ayaa Isku haleelay laba ciyaarood oo u muuqda inay go’aamiyeen labada kooxood ee kasoo baxaysa Groupka oo maanta ciyaaray kulankii labaad, iyadoo uu u hadhsan yahay kulanka saddexaad ee kama-dambaysta ah.
Ciyaarta Hore waxa isku haleelay xulalka gobollada Saaxil iyo Daadmadheedh oo ciyaar cajiib ahi maanta dhexmartay, waxaanay ciyaartu ku soo gebo-gabowday barbar-dhac ay ciyaartoyga labada gobol kala keensadeen 2-2 gool.
Kulanka labaad ayaa dhexmartay xulalka gobollada Xaysimo iyo Sanaag, waxaanay guushu raacday xulka gobolka Xaysimo oo keensaday 3 gool halka xulka Sanaag ka keensadeen 2 gool.
Xulka gobolka Sanaag ayaa hore uga soo badiyey xulka Saaxil, halka xulka Daadmadheedh hore uga soo badiyey xulka Xaysimo, waxaana group-ka hoggaaminaya xulka gobolka Daadmadheedh oo 4 dhibcood leh, halka xulalka Sanaag iyo Xaysimo leeyihiin min 3 dhibcood. Xulka Saaxil ayaa ilaa immika leh 1 dhibic oo ay ka keensadeen barbarraha ay maanta la galeen xulka Daadmadheedh.

Kulanka dambe ee Group B, ayaa qabsoomi doona maalinta Jimcaha oo bishu ku beegan tahay 6-da November. Saaxil ayaa la ciyaari doonta Xaysimo, halka Daadmadheedh iyo Sanaag ay foodda isdari doonaan.
Shaxda kala sarreynta Dhibcaha Xulalka ee Group B
Kulamada maanta Berri qabsoomi doona waxa isku haleeli doona Xulalka Gobollada SALAL vs AWDAL oo kuwada jira Group C iyo Xulalka gobollada Togdheer iyo Gabiley oo ka wada-tirsan Group D.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net