Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii uu hayay ka qaaday maareeye ku-xigeenkii Dekedda Berbera, Cumar Abokor Jaamac, waxaanu beddelkiisa u magacaabis masuul cusub.
Wareegto uu madaxweynaha Somaliland soo saaray caawa waxa uu maareeye ku-xigeenka cusub ee dekedda Berbera u magacaabay Cali Siciid Saleebaan.
Wareegtada madaxweynaha ayaa u qornayd sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-564/102020 iyo JSL/XM/XKQ/222/1-562/102020 ย uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey laba masuul.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Cumar Abokor Jaamac;ย
ย ย ย ย ย ย ย ย Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hayโadda Dekedaha Somaliland
Og: Maareeyaha Hayโadda Dekedaha Somalilandย
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka.
UJEEDDO: MAGACAABIDย
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;ย
Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hayโadda Dekedaha Somaliland u leedahay Dhismaha Qaranka;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Goโaansaday;
In Mudane, Cali Siciid Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hayโadda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland.