Taipei (SLpost)- Dowladda Taiwan ayaa dhambaal mahadnaq ah soo gaadhsiiyey xukuumadda Somaliland, isla markaana sheegay in labada wadan wadaagaan qiyamka dimuqraadiga.
Dhambaalka xukuumadda Taiwan ayaa jawaab u ahaa farriin Hambalyo ah Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici ugu diray munaasibadda caleemo-saarka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dalkaas.
Waxa dhambaalka lagu ballanqaaday inay dowladda Taiwan doonayso sidii ay labada waddan si wada jir ah uga wada shaqeyn lahaayeen dhinacyada dibloomaasiyadda iyo arrimaha gargaarka.
Qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Wasaarada Arrimaha Dibedda dalka Taiwan maanta, ayaa lagu yidhi, โMahadsanid, Madaxweyne-xigeen hambalyadaada diiran ee aad u soo dirtay Madaxweynaha Taiwan Mrs Tsai Ingwen iyo Madaxweyne-xigeenka Md William Ching Telai ee ku saabsan caleema-saarka Taiwan.”
Thank you, @VPsomaliland, for warmly congratulating @iingwen & @ChingteLai on their #Taiwan520 inauguration. #Taiwan & #Somaliland share the same democratic values, & we look forward to working together for the good of humankind. https://t.co/72UDtabbI9
โ ๅคไบค้จ Ministry of Foreign Affairs, ROC (Taiwan) ?? (@MOFA_Taiwan) May 21, 2020
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan ayaa fariinta ay u soo dirtay Madaxweyne-xigeenka Md Saylici ku sheegtay in labada waddan wadaagaan arrimo badan.
โTaiwan iyo Somaliland waxay wadaagaan qiyam dimuqraadi ah, waxaan rajaynaynaa inaan ka wada shaqeyno wanaaga aadanaha.” sidaas ayaa lagu yidhi.
Dhambaalka dalka Taiwan u soo diray Somaliland ayaa ka dambeeyey ka dib markii Madaxweyne-xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Saylici doraad dhambaal hambalyo u diray dalkaas, waxaanu madaxweyne ku-xigeenku dhambaalkaas ku yidhi,ย โAnigoo ku hadlaya magaca Somaliland waxaan hambalo u dirayaa Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ingwen, bilaabida xil-gudashadaada labaad adiga iyo Madaxweyne-xigeenkaaga Md William Ching.”
On behalf of Somaliland, I extend my congratulations to President @iingwen as you begin your second term & to VP- elect @ChingteLai.
I wish you every success in your work & I look forward to continuing to work closely with you to enhance the relations between our two countries. pic.twitter.com/tEDEbt37Jkโ Vice President Abdirahman Saylici (@VPsomaliland) May 20, 2020
Madaxweyne-xigeen Saylici oo dhambaalkiisa ugu diray bartiisa Twitter, waxa uu intaas ku daray,ย โWaxaan kuu rajeynaaa guul kasta oo aad ka gaadho shaqadaada. Waxaan rajeynayaa inaan sii wadno wada-shaqeynta dhow, si aan u xoojino xidhiidhka labadeena wadan,” sidaas ayuu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku yidhi dhambaalka uu u diray.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net