Tirada Dadka Somaliland u dhashay ee Xannuunka Covid-19 ugu Geeriyooday UK oo Maraysa 40 Ruux

0

 

Hargeysa (SLpost)- Tirada dadka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee dalka UK ugu geeriyooday xannuunka Covid-19, ayaa gaadhaysa 40 ruux, sida uu sheegay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska.

Wakiilka Somaliland u jooga dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillaahi Diiriye waxa uu sheegay inuu hayo liiska Dad gaadhaya 40 Qof oo reer Somaliland oo Xanuunka Covid-19 ugu Geeriyooday dalkaas, kuwaas oo qayb ka ah dad Somali ah oo tiradoodu ka badan tahay 100 qof oo Cudurka u geeriyooday.

Cabdi Cabdillaahi Diiriye oo u warramay Warbaahinta dowladda, waxa uu sheegay in Dadka dhintay isugu jiraan Dad waayeel ah iyo kuwo dhallinyaro ah, kuwaasi oo ku kala nool gobolka dalka UK.

β€œDadka uu xannuunku dilay Soomaali baa ku jirta, gaar ahaan Somaliland ilaa hadda Dadka liiskoodu na soo gaadhay ilaa 40 ayay gaadhaysaa oo dhallinyaro ku jirto, waayeel ku jiro, ayaa illaa hadda liiskoodu na soo gaadhay oo la soo ururriyey,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Cabdi Cabdilaahi Diiriye, waxaanu intaa ku daray, β€œIlaahay ha innaga dul-qaadee meel aad iyo aad u halis ah ayuu marayaa.”

Inkasta oo Safiirku sheegay in tirada ay hayaan ee xannuunka ugu geeriyooday tahay 40 qof, haddana waxa dhici karta in tirade intaas ka badan tahay maadaama aan la haynin tirakoobka rasmiga ah iyo tirada dadka geeridooda la soo gaadhsiiyey Xafiiska dibloomaasiyadeed ee SomalilandΒ  ku leedahay magaalada London ee dalka UK.

Safiirka oo la waydiiyey inuu xidhiidh la sameeyay ehellada Dadka u geeriyooday Covid-19 maaddaama oo aan laga qayb-galayn Aaska Dadka u dhinta Xanuunkaasi, waxa uu ku jawaabay, β€œWaanu la hadalnay intii aanu la hadli karaynay, waayo London oo qudha maaha, waa Sheffield, Liverpool, Bristol, Birmingham, Coventry intaasi oo dhan ayay ka kooban yihiin, markaa intii aanu la hadli karaynay ee aanu Telefoonadoodii helnay waanu u Tacsiyadaynay,”ayuu yidhi Danjire Cabdi Diiriye.

Guud ahaan Boqortooyada dalka Ingiriiska, tirada dadka u geeriyooday Xannuunka Covid-19, ayaa gaadhaysa 26,097 qof, halka tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyey ka badan yihiin 165,000 ruux.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net