Muqdisho (SLpost)- Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, ayaa dowladda Farmaajo ugu baaqay inay joojiso cabbudhinta iyo xadhigga ay kula kacayso Suxufiyiinta ka hawl-gala magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa waxa uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso cabudhinta ka dhanka ah saxafiyiinta, si loo helo xog dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dalkaas.
Hadalka kasoo baxay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa waxa uu yimid kadib markii uu soo dhammaaday kulan safiirrada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo Raysal-wasaare Xasan Cali Kheyre Qaabka Maqal iyo Muuqaal ah ugu dhex maray magaalada Muqdisho.
PM Khaire VTC with International Community, EU message: โcriticism is part of the democratic process. Limitation of Freedom of Expression cannot become another pandemic. If journalists neglect information, prison or detention is not an optionโ pic.twitter.com/DRw8sTjmOd
โ Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) April 21, 2020
Qoraalka ayaa waxa uu safiirka ku yidhi, โNaqdinta waa qeyb kamid ah dimuquraadiyada, jaan-goynta xoriyatul-qowlkuna maaha wax wanaagsan, sidaas darteed, haddii saxafiyiinta la xaddido, laga hor istaago xogta, taasina maaha dawโ.
Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah Warbaahinta oo ay ku jiraan xadhigga saxafiyiin dhowr ah oo qaarkood weli ay xabsiga ku jiraan iyo xaddiditaanka xogta sida ay hore ugu doodeen Ururrada saxaafadda iyo hayโadaha xuquuqal-iinsaanka.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net