Masuuliyiinta Caafimaad ee Gobolka Togdheer oo si weyn uga qayliyey xaaladda la-tacaalidda cudurka Jadeecada oo gobolka ku fidaya

0

Burco (SLpost)- Masuuliyiintaย ย  wasaaradda caafimaadkaย  ee gobolkaย  Togdheerย  ayaa maanta si cadย  ugu dhawaaqdayย  inay adag tahay sidaย  loola tacaali karoย  xaaladda cudurkaย  Jadeecadaย  oo ku sii faafayaย  deegaanada gobolka togdheer.

Isuย  duwahaย  caafimaadka ee gobolka ย togdheer Drย  Cabdi Yaasiin, masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xaruntaย  caafimaadka ee gobolka togdheerย ย  iyo Saraakiil ka tirsan hayโ€™addaย  โ€œWHOโ€ย  oo maanta shir jaraaโ€™idย  ku qabtayย  magaaladaย ย  Burcoย  ayaa waxayย  tilmaameen in cudurย  jadeecadaย  uu ku faafayoย  deegaamadaย  gobolkaasi,ย  iyagoo sheegay in xadigaย  dadka ee uu ku dhacayย  xanuunkaasi ayย  sii kordhayaan, isla markaana cusbitaalku aanย  qaadi karayn.

Isuduwahaย  caafimaadkaย  ee gobolkaย  togdheerย  Drย  Cabdiย  yaasiin oo shirkaasi jaraaโ€™idย  ugu horayn ka hadlay ayaa wuxuu cadeeyeyย  in ilaa iyo hadda dadka uu ku dhacayย  xanuunkaasi ee soo gaadhayย  cusbitaalka Burco ayย  gaadhayaanย  350ย  qofย  oo isugu jira caruur,ย  dad waaweyn,ย  haween iyoย  welibaย  dadka ay ย daโ€™dooduย  dhaxdhaxaadka tahay.

Isuduwuhuย  waxaa kaloo uu sheegayย  inย  bishi labaadย ย  ee lasoo dhaafayย  uuย  cudurkaniย  ka bilaabmayย  deegaamoย  ka mid ahย  gobolka saraar,ย  haatanaย  uu soo gaadhayย  deegaano ka mid ah gobolka tagdheerย ย  iyo xaafadoย  ka mid ahย  magaaladaย  burco gaar ahaan xaafadaha October iyoย  agagaarka sayladda.

Sidoo kale,ย  agaasimahaย  cusbitaalkaย  magaaladaย  Burcoย  Dr Cabdiqaadir Muuseย  ayaa isna dhiniciisa kaย  sheegay inย  sida lagulaย  tacaali karoย  xanuunkaniย  ayย  tahayย  ka hortag balaadhan oo la sameeyo,ย  waxaanu uguย  baaqay xukuumadda Somalilandย  wasaaraddaย  caafimaadkaย  iyoย  hayโ€™adahaย  ku shaqada lehย  caafimaadkaย ย  inayย  gurmad ka qeystaanย  sidii loola tacaali lahaa loonaย  xakamayn lahaa fiditaankaย  cudurka jadeecada.

Drย  Cabdiqaadirย  Muuseย  waxaa kaloo uu ka digay inย  haddiiย  ayย  xaaladani sii socoto ayย  keeni karto dhimasho iyo mid ka adag halka uu maanta marayso.

SOMALILANDPOST.NET

SLpost News/Hargeysa