Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay isugu yimaaddeen Labada Aqal baarlamaan ee Somaliland.
Khudbadda madaxweynaha oo ahayd khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah, waxa uu ku soo qaatay Arrimo kala duwan oo khuseeya dhinacyada Dhaqaalaha, Ammaanka, Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Doorashooyinka, kaabayaasha Dhaqaalaha, miisaaniyadda dowladda iyo qodobbo kale.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu khudbad-sannadeedkiisa isku dul-daagay meelaha ay xukuumaddiisu diiradda ku saartay wax-ka-qabashada adeegyada bulshada ee aasaasiga ah iyo horumarinta dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ee xukuumaddiisa wax ka qabatay sannadkii tagay.
Khudbadda madaxweynuhu ka jeediyey fadhiga goleyaasha Barlamaanka, ayaa u dhignayd Sidan:-
“Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxa sharaf iyo xurmo ii ah inaan maanta hor imaado Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, oo aan ka jeediyo Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah ee sannadka 2020.
Sannad waliba waayo leh, Sannadkii 2019-ku waxa uu ugu suntan yahay Jamhuuriyadda Somaliland, sannad nabadeed, midnimo iyo sannad la gaadhay guulo diblomaasiyadeed oo Qaran.
Mandaqadda aynu ku nool nahay iyo guud ahaan adduunkaba, waxa ka socda isbedel dhaqan-dhaqaale iyo is-xulafaysi siyaasadeed, oo dhalan-rogi kara wajiga maanta adduunku u yaallo. Somaliland, kama gaabin in ay noqoto foolaadka isbedelka ka dhacaya adduunka iyo in ay yeelato saaxiibo siyaasadeed oo cusub.
Khudbadda Dastuuriga ah ee sannadkan waxa ay ka kooban tahay:
- Dhaqaalaha
- Adeegyada Bulshada
- Nabad-gelyada
- iyo Arrimaha Dibedda
- Dhaqaalaha
Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka iyo isbedelka nololeed iyo bulsho ee dal kasta. Sidaa darteed, Xukuumadda JSL waxa ay xooga saartay kobcinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka:
- Hal-beega Cabirka Dhaqaalaha (GDP) ee JSL waxa uu kordhayย 2%labadii sanno ee ugu dambeeyey. Halka koboca dhaqaalaha Qaaradda Afrika ay Qaramada Midoobay ku qiyaastay sannadkii 2019-kaย 3.4%.ย Taas oo muujinaysa in Somaliland koboceeda dhaqaale uu kordhayo, iyada oo ay jiraan caqabado dhaqaale oo u gaar ah Jamhuuriyadda Somaliland.
- Waxa lagu guulaystay in Sicir Bararku ka soo dagoย 19%,lana gaadhsiiyoย 4%ย sannadkii 2019-ka.
- Waxa sidoo kale lagu guulaystay in qiimaha Shillinka Somaliland kor loo qaado qiimihiisaย 21%ย sannadkii 2019-ka.
- Dakhliga dalku waxa uu ka kor-maray odoroskii miisaaniyadda sannadka 2019-kaย 4.5%.Taas oo muujinaysa dadaalka iyo awooda hayโadaha dakhli ururinta Qaranka.
- Waxa Miisaaniyadda Qaranka ee sannadkii 2019-ka laga maal-geliyey mashaariic qiimahoodu gaadhayoย 152,040,135,320 SL. Shilling, oo dhammaanteed Qaranku bixiyey.
- Waxa Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadkan 2020-ka laga maal-gelin doonaa mashaariic qiimahoodu gaadhayoย 158, 827,455, 889 SL. Shillings.
- Waxa la hirgaliyey Nidaamka Maamulka Xisaabaadka Dawladda ee loo yaqaanย (PFM),oo wax weyn ka tari doona hagaajintaย nidaamka maaliyada dalka, cashuur qaadista, kordhinta dakhliga, beekhaaminta kharashaadka Dawladda, awoodda adeeg-bixinta, hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo koboca dhaqaalaha dalka.
Dadaal kasta oo la sameeyey, haddana waxa jira caqabado dhaqaale oo waaweyn oo u baahan in si Qaran looga wada tashado. Waxaynu nahay dal aanu isku dheeli-tirnaynย dhoofintiisa iyo soo-dejintiisu.
Tusaale ahaan, sannadkii 2019-ka waxa dibedda innooga timi badeecad qiimaheedu dhan yahayย $572,713,970ย oo ku qiimaysanย (Customs Import โ Export Value),ย waxaynu dhoofinay badeecad qiimaheedu dhan yahay$211,732,852, faraqooduna waa ($360,981,118), taas oo innagu ah dhiig-bax dhaqaale.
Haddaba, si aan uga baxno dheeligaa ganacsiย (Trade Imbalance)ย waxa aannu dheerigalinaynaa wax-soo-saarka iyo warshadaynta dalka. Waxaana loo sameeyey cashuur dhaaf gaadhaya qiime ahaanย 15 Million oo dollarwarshadaha yar-yar ee Dalka laga yagleelayo iyo alaabooyinka qaydhin ee ay isticmaalaan warshaduhu.
- Wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga
Xukuumaddu waxa ay xoogga saartay dhiiri-gelinta kobaca wax-soo-saarka beeraha, daryeelka Xoolaha iyo Kalluumaysiga. Sidaa darteed:
- Waxaย 42,000ย oosaacadoodย iyoย shinniย bilaash ah la gaadhsiiyey beeralayda Gobollada Dalka oo gaadhayaย 14,000 qoys.
- Waxaย 7 Cagafla guddoonsiiyey Iskaashatooyinka beeraha magaalooyinkaย Beeratoย iyoย Beerย ee Gobolladaย Daad-madheedhย iyoย Togdheer.
- Waxaย 4,750 Mitirย ootuunbooyin ahย iyoย 85ย Mishiinnada Biyahaย ah la guddoonsiiyeyย 170 Qoysย oo kala jooga Gobollada Dalka.
- Waxa cuduro kala duwan laga tallaalayย 3 millionooย neefย oo xoolo ah, waxaana ka qayb galayย 38 kooxoodย oo ah hawl-wadeenada caafimaadka Xoolaha ah.
- Waxa la daweeyeyย 1,500,000ย ooย neefย oo iskugu jira Adhi, Geel, Loโ iyo Fardo.
- Waxa calafka Xoolaha lagu naaxiyo loo qaybiyeyย 19,550 qoysoo ah xoola dhaqato kala jooga Gobollada Dalka.
- Waxa Xukuumaddu soo iibisayย Afar doonyoodoo loogu tala-galay Tababarka Kalluumaysatada Dalka.
- Kaabayaasha Dhaqaalaha
Kaabayaasha dhaqaaluhu; sida waddooyinka, dekadaha iyo garoomada diyaaraduhu waxay qayb weyn ka qaataan horumarka Dalka. Sidaa darteed:
- Waxa si xawli ah u socota ballaadhinta iyo casriyeynta Dekedda Berbera, waxaana dhammaadayย 43% Wajigii Koowaadee dhismaha ballaadhinta Dekedda Berbera oo ka koobanย 400ย ooย Mitir.
- Waxa la dhisayย 7%ka mid ah Marinka Dhaqaale eeย Berbera Corridorย ee isku xidha Somaliland iyo Itoobiya.
- Waxa dhawaan la bilaabi doonaa dhismahaย 22.5 KMย oo waddo ah oo qayb ka ah Marinka Dhaqaalaha eeย Berbera Corridor, oo ka leexan doona Magaalada Hargeysa, si culayska iyo samxadda gaadiidka xamuulka ah looga yareeyo Caasimadda Dalka.
- Waxa Dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu ku heshiiyeen inย Madaarka Berberalaga dhigoย Madaar Caalamiย ah oo ay adeegsadaan Shicibka iyo Badeecadaha iskaga gooshaya Gobolka, Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba.
- Waddadaย Burco โ Ceerigaabowaxa la dhisayย 107 Kmย intii Xukuumaddani xilka haysay, waxaana hore u dhisnaaย 94 Km,ย oo isku noqonayaย 201 KM.
- Waxa la dhisayย 49 Kmoo ka mid ah waddada isku xidha Hargeysa-Kalabaydh.
- Waxa dhammaad ku dhawย Dhismaha Biriishkaisku xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda Camuud.
- Waxa dayactir ballaadhan lagu sameeyey jidka isku xidhaย Laascaanood iyo Tuula-Samakaab iyo Adhi-caddeeye.
- Waxa dayactir ballaadhan lagu sameeyeyย Biriishka labaad ee magaalada Burcooo roobabku khasaare gaadhsiiyeen.
- Waxa la wadaa mashruuc casri ah oo lagu xakamaynayo xawaaraha gaadiidka. Shilalka gaadiidka oo soo badanaya darteed, sannadkii 2019-ka waxa innagaga dhintayย 274 qof.
- Adeega Bulshada
ย a. Horumarinta Caafimaadka
Iyada oo laga duulayo muhiimadda uu daryeelka iyo kor u qaadidda adeegyada Caafimaadku u leeyihiin bulshada, Xukuumaddu waxa ay xooga saartay sidii ay dadweynuhu u heli lahaayeen adeegyo Caafimaad oo tayo leh, dhaqaale ahaana la awoodi karo. Sidaa darteed:
- Waxa mudnaan gaar ah la siiyey adeegyada caafimaad ee qaybaha bulshada ee nugul, sida xarumaha daryeelka hooyada uurka leh iyo dhallaanka.
- Waxa si rasmi ah xarumaha caafimaadka dawliga ah looga shaqaalaysiiyeyย 512 xirfadlayaal caafimaadah oo kala jooga Gobollada Dalka.
- Waxa tababaro aqoon korodhsi ah la siiyeyย 3,100 Xirfadlayaal Caafimaadah, si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaad ee ay bulshada JSL helaan.
- Waxa cudurada faafa laga tallaalay caruur tiradoodu gaadhaysoย 733,654caruur ah oo daโdoodu ka hoosaysoย shan jir, tiradaas ooย 10%ย ka badan caruurta la tallaalay sannadkii 2018-ka.
- Waxa cisbitaallada, xannaanooyinka iyo rugaha caafimaadka lagu daweeyeyย 526,273 qofoo iskugu jira Bukaan-socod iyo Bukaan-jiif.
- Waxa markii ugu horaysayย 10 caruurah loogu sameeyo qaliin dhinaca wadnaha ah magaalada Hargeysa. Adeegaas oo dhammaantii Xukuumaddu kafaalo qaaday kharashkiisa.
- Waxa la hirgaliyeyย 22 xarumo caafimaadoo cusub oo bixin doona adeegyo caafimaad.
b. Waxbarashada
Mudanayaal iyo Marwooyin;
Waxbarashadu waa furaha horumarka waara iyo iftiinka nolosha badhaadaha leh. Horumarka uu aadamuhu gaadho waxa inta badan suurto-geliyey tayada waxbarashada ee Dal kastaa leeyahay.
Xukuumaddu iyada oo maanka ku haysa ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka Qaranka iyo nolosha jiilka daโda yar ee dalkan:
- Waxa la hirgaliyey Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka, waxaana lagu bilaabayย 400ย oomacallinย oo ka kala yimid dugsiyada hoose/dhexe ee dalka, si loo tayeeyo waxbarashada aasaasiga ah.
- Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysaย 450 ardayoo ka kala yimi dhammaan Gobollada Dalka, iyaga oo lagu xulay sida ay u kala sareeyaan dhibcaha imtixaamaadka shahaadiga ah.
- Waxa bishii February 2019-ka si rasmi ah u bilaabmay in arday kasta oo dhigta Dugsiyada Hoose/Dhexe ee dawliga ahi helo buugaagta manhajka waxbarashada Dalka. Waxa sannadkan la gaadhsiiyeyย 100,200ย ooย buugarday gaadhaysaย 153,077 ardayoo kala jooga dhammaan gobollada iyo degmooyinka Dalka.
- Waxa la shaqaalaysiiyeyย 400ย ooย macallinoo cusub, si loo kordhiyo fiditaanka adeegga waxbarashada Dalka.
- Waxa la dhisayย 201 fasaloo cusub oo lagu kordhiyeyย 102 dugsiย oo ku kala yaala Gobollada Awdal, Togdheer, Sanaag, Sool iyo Saaxil.
c. Horumarinta Biyaha
Mudanayaal iyo Marwooyin;
Waxa aynu dhammaanteen ku qanac-sanahay in biyuhu yihiin nolosha koowaad ee Aadamaha. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay dadaal dheeri ah galisay biyo soo-saarka iyo biyo ballaadhinta magaalooyinka iyo miyiga Dalka.
- Waxa la qodayย 32 Ceeloo ah kuwa dhaadheer.
- Waxa la dayactirayย 66 Ceeloo ah Ceelal dhaadheer.
- Waxa sahamintooda la dhammaystirayย 33 Ceeloo ah ceelasha dhaadheer.
- Waxa la qodayย 8 Dhaamย oocusub, waxaana la dayactirayย 12 Dhaam.
- Waxa la qodayย 153 Barkadoodoo cusub, waxaana la dayactirayย 203 Barkadoodย oo hore u jiray.
- Waxa biyo ballaadhin laga hirgaliyey magaalooyinkaย Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Borama.
- Waxa meel fiican oo lagu diirsado maraya biyo ballaadhinta magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, waxaanu u qaybsamaa mashruucaasi laba qaybood oo kala ah, Biyo soo-saarka iyo soo gaadhsiinta Biyaha ee magaalada Hargeysa, waxaana dhammaaday mashruucaaย 80%,qaybta labaad ee mashruucu waa biyo qaybinta magaalada gudaheeda, waxaana dhammaadayย 30%.
- Shaqo Abuurka Dhallinyarada
Xukuumadda JSL iyada oo ogsoon muhiimadda dhalliyarada iyo ka faaโiidaysiga xoogga dihin ee dhallinyaradu u leeyahay horumarka iyo nabadgelyada Qaranka iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika:
- Waxa la daah-furay Barnaamij ballaadhan oo shaqo abuur loogu samaynayo dhallinyarada JSL oo loogu wan-qalayย โBarnaamijka Shaqo Qaranโ.Barnaamijka Shaqo Qaran waxa ka qalin-jabiyey, oo ka faaโiidaystay dhallinyaro tiradoodu gaadhaysoย 1,349 dhalliyaroย ah oo iskugu jirta hablo iyo wiilal. Dhammaan dhallinyaradaasi waxa ay soo qaateenย 3 biloodย oo tababar iyo carbis nololeed ah, waxaanay hadda ka hawl-galaan Hayโadaha Dawladda ee kala duwan, qaarkoodna waxa ay ku biireen Ciidanka Qaranka JSL.
- Barnaamijka Shaqo Qaran waxa uu sannadkan qaadan doonaaย 1,000 Dhallinyaro ah oo cusub.
- Xukuumaddu waxa ay ku dhawaaqday hirgalintaย Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada JSL. Waxa uu noqon doonaa Sanduuq Dhallinyaro oo madax-bannaan oo si rasmi ah uga hawl-gala dalka, si loogu sahlo dhallinyarada leh hal-abuurka iyo curinta ganacsi ee u baahan taageero dhaqaale oo aan lahayn dul-saar. Waxa aannu ka codsanaynaa ganacsatada JSL in ay ka qayb-galaan dhaqaalaha Sanduuqa Dhallinyarada, isla markaana Xukuumad ahaan waxaanu ku shubi doonaa dhaqaale joogto ah sannad kasta, haddana waxaanu ku shubnayย $200,000 Doollaree ugu horreeyey.
Dadaal kasta oo la sameeyey, haddana waxa muuqata in shaqo laโaanta dhallinyaradu ay aad u sarayso, taas oo khatar wayn ku ah amniga Dalka. Daraasad Xukuumaddu samaysay waxa ay muujinaysaa in xirfadaha suuqa shaqada dalku u baahan yahay iyo xirfadaha waxbarasho ee ay bixiyaan Jaamacadaha dalku aanay isku dheeli-tirnayn, baahi weyna loo qaboย Farsamada Gacanta. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay xoog hayso waxa ay iskugu gayn doontaa sidii dalka looga hirgalin lahaa dugsiyada farsamada gacanta oo leh tayo aad u saraysa oo waafaqsan halbeegga Caalamiga ah. Waxaana la odorosayaa inย 20%ย shaqo laโaanta dhallinyarada ay hoos u dhigi doonto daah-furkaa cusub.
- Amniga iyo Difaaca Qaranka
Mudanayaal iyo Marwooyin;
Xukuumaddu waxa ay ahmiyad weyn siisay adkaynta amniga iyo difaaca xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.
- Waxa kor loo qaaday niyadda iyo mooralka Ciidamada kala duwan ee Qalabka-sida.
- Waxa la kordhiyey tirada iyo tayada guud ahaan Ciidamada Qalabka-sida.
- Waxa la soo afjaray dhammaan colaadihii iyo shaqaaqooyinkii ka taagnaa Gobolka Sanaag.
- Waxaย 68%ย hoos loo dhigay dambiyada ay dhallinyaradu ka gaystaan magaalooyinka, iyada oo la fulinayo Qorshaha Farsamo ee dhinaca adkaynta ammaanka ee heer Gobol iyo heer Degmo.
- Waxa iskaashi amni lala sameeyey dalalka dariska ah, waxaana hoos loo dhigay dambiyada iskaga gudba xadadka.
- Waxa la dhammaystiray, lana ansixiyeyย Xeerka Hawl-gabka iyo Xaq-siinta Ciidamada Qaranka.ย Xeerkaas oo sida magaciisa ka muuqata dhammaystiraya xuquuqda iyo xaqa Ciidamada Qalabka-sida.
- Waxa la dhammaystiray Cisbitaalka Ciidanka Qaranka oo siin doona adeeg caafimaad oo hufan dhammaan Ciidamada Qaranka.
- Iyada oo laga jawaabayo baahida Ciidamada Qaranka iyo Shaqaalaha Dawladdu u qabaan in ay helaan dhul ay dagaan, waxa Xukuumaddu goโaan ku soo saartay in dhulkaย Danta Guudย ah qayb laxaad leh looga diyaariyoย Ciidamada Qalabka-sida iyo Shaqaalaha DawladdaJSL.
Guulahaa laga gaadhay sugidda amniga Qaranka, waxa suurtagaliyey Ciidammada Qalabka-sida ee mar walba heeganka u ah hirgalinta iyo ilaalinta Qaranimada JSL. Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhammaan Ciidamada Qaranka JSL iyo qoysaskooda iyo caruurtooda, waxaanan leeyahay, waxaad tihiinย Halyeeyo Qaranka u suntan.
- Abaaraha iyo Isbeddelka Cimillada
Isbeddelka Cimilladu waa xaqiiqo raad muuqda ku leh adduunka iyo gaar ahaan dalkeena Somaliland. Waxaynu aragnay abaaro soo noq-noqday iyo roobab xilligoodii Eebbe looga bartay ka soo hor-maray. Arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka. Haddaba Xukuumaddu:
- Waxay dhistayย Xarunta Kaydka Raashinka Qaranka, oo xarumo ku yeelan doona dhammaan Gobollada Dalka.
- Waxaย 600ย ooย qoysoo kala jooga Gobollada Awdal, Salal, Gabiley iyo Saaxil oo ay xoolo tirtay Duufaantii Saqar loo sameeyey dib u xoolayn, waxaana qoys kasta la siiyeyย 15 neefย si ay dib ugu laabtaan noloshoodii caadiga ahayd.
- Waxa agab iyo raashin la gaadhsiiyeyย 28,200ย ooqoysย oo ku barakacay abaaraha sannadihii hore.
- Waxa shaqo loo abuuray ama lacag caddaan ah la siiyeyย 11,000ย ooqoysย oo kala jooga Gobollada Dalka.
- Waxa Xukuumaddu dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro tiradoodu gaadhaysoย 460 dhallinyaroah oo hore dalka uga tahriibay, waxaana loo sameeyey barnaamij dib u dajin ah.
- Doorashooyinka
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida uu dhigayo Dastuurka JSL, shantii sanno ee kasta waa in Shacabka JSL u dareero doorasho uu ku soo doorto Golayaasha iyo Hoggaanka Dalka. Muddadii labada sanno ahayd ee Xukuumaddu xilka haysay, waxa ay dadaal ugu jirtay sidii doorashooyinkii Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanku u qabsoomi lahaayeen. Waxaanu diyaarinay kharashkii lagu gali lahaa doorashooyinka isku-sidkan, wixii kaga aadanaa Xukuumadda.
Xisbiyada Mucaaradka ah laba sanno waxa ay diidanaayeen in uu doorasho qabto Komishankii jiray. Markii wakhtigiisii dhammaaday, waxa la soo magacaabay Komishan cusub oo soo maray jaran-jarooyinkii sharci ee loo baahnaa. Hase yeeshee, labada Xisbi Mucaarid ayaa haddana diiday in ay doorasho qabtaan Xubnihii Komishanka doorashooyinka Qaranka ee ay ansixiyeen Golaha Fulinta iyo Golaha Wakiillada, Maxkammadda Sarena dhaarisay.
Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.
Waxa aan idiin soo gudbin doonaa dhawaanย Kaabista iyo Wax-ka-bedelka Xeerarka arrintaasi khuseeya, waxaanan rajaynayaa in aad waajibaadkiina dastuuriga ah ka gudan doontaaan.
- Siyaasadda Arrimaha Dibedda
Mudanayaal iyo Marwooyin;
Siyaasadda Arrimaha Dibedda Jamhuuridda Somaliland waxa sal-dhig iyo gun u ah nabadgelyo, daris-wanaag, is-xaq-dhawr laba dhinac ah iyo iskaashi dhaqan-dhaqaale oo dhex-mara dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.
- Ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland
Siyaadda Arrimaha Dibedda Somaliland ee ku waajahan ictiraaf raadintu waxa ay u qaybsantaa laba waaxood oo waaweyn oo kala ah: In Qaddiyada Somaliland garowshiiyo ka hesho Adduunka, iyada oo mudnaanta la siinayo Qaaradda Afrika iyo In Wada-hadal ku dhisan garnaqsi iyo kala-gurasho lala galo Soomaaliya oo ah dalkii labaad ee Jamhuuriyaddii Somaliland la midowday 1960-kii.
Sidaa darteed, Xukuumadda oo garowsan in qadiyada Somaliland ay tahay arrin goโaankiisu u yaallo Qaaradda Afrika, waxa ay dadaalo xoog badan galisay in Somaliland ku yeelato saaxiibo cusub Qaaradda Afrika iyo in socdaalo diblomaasiyadeed lagu gaalaa bixiyo dalalka Qaaradda Afrika. Sidoo kale, Qadiyadda Somaliland waxa ay noqotay Qodob ka mid ah qodobbada Midowga Afrika uu mudnaanta koowaad siinayo, kadib dadaaladii Xukuumaddu ka samaysay shirkii Midowga Afrika ee ugu dambeeyey.
ย
Somaliland iyo Soomaaliyaย
Walaalayaal,
Waxaynu wada ogayn in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya muddo hakad ku jireen. Hase yeeshee, 11-kii Bisha February 2020, ayaa aniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, si kedis ah ugu kulannay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.
09-kii February 2020, waxaan safar shaqo ugu baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si aan u xoojiyo wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda, oo ka ololaynayey wufuudii Shirka 33-aad ee Midowga Afrika iskugu timi. 11-kii Bisha February 2020, waxa igu marti-qaaday Xafiiskiisa Raโiisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Dr. Abiye Ahmed. Salaan, soo dhawayn iyo kulan kooban kadib, waxa uu ii sheegay in Madaxweynihii Soomaaliya uu isna soo galayo Xafiiska Raโiisal Wasaaraha in yar kadib. Halkaa ayuu ka bilaabmay kulan kedis ah, oo saddex geesood ah, oo aan hore loo sii qorshayn, oo dhexmaray saddexdayada.
Raโiisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu soo jeediyey in uu dhex-galo dhibaatada dhex-taala labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay tahay qadiyad ka aloosan Gobolka Geeska Afrika, oo uu Raโiisal Wasaaruhuna u ololeeyo nabadda, horumarka iyo Iskaashiga Gobolka Geeska Afrika. Dabcan, Raโiisal Wasaaraha Itoobiya oo ah shakhsi ku guulaystay Abaal-marinta Nabadda Adduunka ee (Noble Peace Price), isla markaana hoggaamiya dalka labaad ee ugu dadka badan Qaaradda Afrika; Somaliland ahaan waanu aqbalnay soo jeedinta Raโiisal Wasaaraha Itoobiya. Kulanku intaas ayuu ku ekaa. Waxa loo ballamay in faah-faahinta iyo ajendaha la galo wixii intaa ka dambeeya. Waxa jira Dawlado kale oo iyaguna hore ugu hawlanaa wada-hadalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, kulanka Raโiisal Wasaaraha lagagama wada-hadal wax tafaasiil ah oo ku saabsan cidda ka qayb noqon doonta wada-hadalka, waxaanu ku koobnaa kulankaasi soo-jeedin iyo aqbalaad.
13-kii February 2020-ka, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Raali-gelin ka bixiyey xasuuqii ay Dawladdii Somali Democratic Republic u gaysatay Shacabka Somaliland. Marka laga reebo weedha ah,ย โKuwii Qoryaha Qaatay, iyagana cudurdaar ayaa laga rabaaโ,ย taas oo ah in dambiga loo qaybiyo Dawladdii dhagarta gaysatay iyo shacabkii ka dhiidhiyey Xasuuqa ay Dawladdu waday, waan soo dhawaynayaa raali-galinta, waana tallaabo fiican oo loo qaaday dhinaca nabadda.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ahayd 73 sanno Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska (British Somaliland Protectorate). Waxa ay xorriyadeedii heshay 26 June 1960-kii. Waxa ay noqotay Dawladdiiย 15-aadย ee xorriyadeeda hesha Qaaradda Afrika, waxaana aqoonsadayย 35 dawladood,ย oo ay ku jiraan kuwa ugu waaweyn adduunka.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay kula midowday Soomaaliya hal shardi oo kaliya. Kaas oo ah in la helo shantii Soomaaliyeed oo midowda. Taasna 31 sanno oo la raadinayey, waa la waayey.
Madaxweynihii Somali Democratic Republic ee wakhtigaasi waxa uu si rasmi ah uga noqday raadintii midnimada Soomaali weyn daba-yaaqadii Qarnigii tagay, waxaanay ku cad yihiin shirarkii uu ku galay magaalooyinka Jabuuti iyo Addis Ababa.
Walaalayaal, waxa xusid mudan in Midowgii labada Dal ee 1960-kii aannu marna noqon mid dhammaystiran dhinaca sharciga Caalamiga ah.
20-kii June 1961-kii, markii dastuurkii midnimada loo qaadayey aftida,ย 68% shacabkaย Jamhuuriyadda Somaliland waa uu diiday Dastuurkaa. Taasina waxay caddaynaysaa in aanu jirin sharciyad midnimadu ku fadhido, sida uu ka marag-furay Aqoonyahanย Mr.ย Paolo Contini.
Inqilaabkii fashilmay 10-kii December 1961-kii ee Saraakiisha Reer Somaliliand ku kaceen, markii la xidhay, Maxkamaddii uu guddoominayeyย Mr. Hazel Wood, wax dambi ah wey ku weyday, waayo waxa la waayey sharci ay ka hor yimaadeen, maadaama Xeerkii Midnimadu aanu dhammaystirnayn, waxaana la sii daayey May 1963-kii.
Dawladdii ugu horaysay ee la dhisay 1960-kii, Golaha Wasiiraddu waxa ay ahaayeenย 14 Wasiir,ย waxaana Somaliland laga siiyeyย 3 Wasiir.ย Golihii Baarlamaanka ee lagu midoobay,ย 26.8%ย kaliya ayaa Somaliland laga siiyey.
Mashaariicdii horumarineed iyo Deeqihii Bulshada Caalamku siisay Somali Democratic Republic, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka heshayย 7%.
Lixdii Degmoย (Hargeysa, Boorama, Burco, Berbera, Laascaanood iyo Ceerigaabo)ย ee Jamhuuriyaddii Somaliland ka koobnayd 26 June 1960-kii, waxa laga dhigayย Laba Gobolย oo kaliya.ย Lixdii Degmoย ee Koonfurta (Majeerteeniya, Mudug, Hiiraan, Banaadir, Jubada Hoose iyo Jubada Sare), waxa laga dhigayย Lix Gobol.
Dagaalkii 1977-kii, ee dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, oo culayskiisu ku dhacay Somaliland,ย 11 Xeroย oo ay ku jiraanย 400,000 Qaxoonti ah, ayaa laga dhisay Gobollada Somaliland. Taas oo culayskeeda lahayd dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo deegaan ahaanba.
6 April 1981-kii, waxa lagu dhawaaqay Ururkiiย SNM, si loo raadiyo Qarannimadii Jamhuuriyadda Somaliland ee luntay 1960-kii.
1988-kii, duulaankii Dawladdii Soomaaliyeed ku qaaday Shacabka Somaliland waxa uu ahaa mid loo adeegsadayย dayuurado, madaafiic, taangiyo iyo gaasas ciidanka lugta ah.
Waxa la dumiyey oo si cadawtinnimo ah dhulka loola simay magaalooyinkii waaweynaa ee Somaliland. Waxa lagu xasuuqay in ka badanย 50,000ย ooย qofย maalmo gudahood. Waxa ilaa hadda la xaqiijiyeyย 43 Xabaalo-wadareedyoย ku kala yaalla Gobollada Somaliland. Boqolaal sanno dadku hantidii ay tabcadeen ayaa maalmo gudahood lagu baabiiyey.
Waxa u qaxay dalalka jaarka in ka badanย 600,000ย ooย qof, oo intooda badan xeryo looga ooday Bariga Itoobiya. In ka badanย 400,000ย ooย qofย ayaa u kala firxaday daafaha Adduunka.
2001-dii Hayโadda Dhawrista Xuquuqul Iinsaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay (United Nations High Commissioner for Human Rights) oo kaashanaysa Kooxdii Xidhiidhka iyo Isku-dubaridka Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya (UNCU) baadhitaan ay ku sameeyeen wixii ka dhacay Somaliland 1988-kii ilaa 1991-kii, waxay xaqiijiyeen in uu ka dhacayย Xasuuqย Bini-aadamย oo dawladdu u gaysatay shacabkeedii.
Khilaafkii ka dhashay qaloocintii Xeerka Midawga labada Dal iyo nidaamkii awood qaybsiga labada Dal iyo Tacadiyadii loo gaystay Shacabku, waxa ay keentay in ay dunto 1991-kii Jamhuuriyaddii Somali Democratic Republic ee ka unkantay midawgii labada Dal 1960-kii.
18-kii May 1991-kii, ayey Jamhuuriyadda Somaliland ka baxday, iyada oo isku-duuban, midnimaddii Soomaaliya ee lagu hungoobay, ee aan sharciyaddeedu dhammaystirnayn.
Soddonkaa sannadood Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd Qaran iskii u madax-banaan, balse nasiib darro, intaaba Soomaaliya waxay ka dagaalamaysay in Qarannimada Somaliland hirgasho.
Intii ay jirtay Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waxay qaaday tallaabooyin cadawtinnimo oo kala ah:
- Hor-joogsiga mashaariicdii horumarinta; oo ay ugu weynayd dagaalkii ay ka gashay dhismaha Dekedda Berbera.
- Hor-joogsigii Sanduuqii mashaariicda horumarinta ee u gaarka ahaa Somaliland (Somaliland Special Arrangement).ย
- In keligeed Dawladda Soomaaliya qaadatay Deeqaha Waxbarasho, Dhaqaale iyo Ciidan ee caalamku ku bixiyeen magacii Dawladdii Soomaaliyeed ee burburtay.
- Fulin laโaanta Heshiiskii Habka Maamulka Hawada Sare ee ay saxeexeen Madaxweyne Silanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
- Isku daygii hor-joogsiga adhigii Xajka ee ka dhoofayey Dekedda Berbera.
- La-dagaalanka dawlad kasta oo milgo iyo maamuus u muujisa Jamhuuriyadda Somaliland, sida tii ka dhacday Gini Konnaakari.
Intaas oo qodob iyo qaar ka sii daran iyaga oo ay jiraan, haddana waxaanu aaminsanahay in dhibaatada dhex-taala labada Dal lagu dhammeeyo wada-hadal iyo nabad.
Waxa muuqata in la gaadhay wakhtigii ay Soomaaliya garwaacsan lahayd xalka kaliya ee lagu heli karo nabadgelyo iyo iskaashi laba Dal oo walaalo ah. Xalkaasi waa laba Qodob:
- In Soomaaliya xurmayso xaqa ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay goโaankii 18 May 1991-kii ay kaga noqotay Midowgii aan sharciga ku dhisnay.
- In Soomaaliya si buuxda u garwaaqsato in aqoonsiga Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland yahay xalka qudha ee lagu heli karo wanaag iyo wax-wada-qabsi dhexmara labada dal.
Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee Hargeysa, suurtagal maaha, mana ogolin. Sababtoo ah, sharciga Caalamiga ah, curfiga Dawladnimo iyo caqliga saliimka ahiba, waxay isku raacsan yihiin in aanu Madaxweyne Dalkiisu gaystay dambiyada iyo xasuuqa intaa leeg, in aanay suurtagal ahayn in uu booqasho ugu tago dadkii iyo dalkii dambiyada loo gaystay. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu iman karaa kaliya Jamhuuriyadda Somaliland marka uu ictiraafo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya iyada oo ay duruufahaasi jiraan, waxay jawaabteedu noqonaysaa, gabaygii Faarax Nuur ee ahaa:
โQosol Been Ah, Fool Wada Qayaxan, Qiil aan Garanaayo,
Booraan Afkii laga Qafilay, Qabarna Hoos Yaalo,
Doqon baa Halkii Lagu Qatali, Qoorta Soo Dhigane,
Ma Anigaa Middiyo La ii Qarshaa, La igu Qali Doono,
Qoontiiba Lama Baananine, Qire Yaraa Nabaddu,
Waar yaadha Kala Quusanaye Qoomamo laโaadaโ.