Hargeysa (SLpost)- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadirย oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaaย Ururadda Siyaasadda ee ku hadheyย qiimeyntiiย Guddidaย Diiwaangelinta Ururaddaย Siyaasaddaย u soo jeediyey inay joojiyaanย Mudaharaadka ay ku baaqeen oo uu tilmaamay in uu wax weyn u dhimi karo Nabadgelyaddaย ay Somaliland kuย naalooneysay labaatankii Sanno ee u danbeeyey.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadirย waxa kale oo uu ugu baaqay Ururadda Cabashada ka muujiyey goโaankii Guddidaย Diiwaangelintuย kuย kalaย reebeenย shan iyo tobankiiย Ururย Siyaasadeedย ee isu Diiwaangeliyeyย in ayย Cabashadooda u maraanย Sharcigaย iyo Xeerarka ย dalka u yaalla, isla markaana ay ka feejignaadaan waxa kasta oo Nabadgelyadda wax u dhimaya.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadirย oo qaar ka mid ah Warbaahintaย u waramayeyย waxa uu sidoo kaleย ka digeyย Mudaharaadka ay ku baaqeenย qaar ka mid ah Ururadda Siyaasadda ee hadhey, waxaanu u soo jeediyey shacabka reer Somaliland inay ilaashadaan Nabadgelyadda ay ku caano maaleen.
Suldaanka Guud oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi,ย โWaxa aan ka hadlayaa arrintan Asxaabta, waxa aadย moodaa in uu burbur ka soo bixi karo arrimaha ay ka dhawaajiyeen ย eeย Asxaabtan meesha ka baxdeyย dhibaatooyinย faraย badana ayย keeniย karto ย ooย ay inaga noqotoย Mushkiladaaย Xamarย kaย dhacdeyย inay Somalilandย maantaย kuย danbayso. Waxa aan Asxaabta kulaย talinย lahaaย Sharciyaddaย ayaaย uย furan inay Mudaharaadkaasย ooย aanย dadkoodaย iyoย dadkoodaย u wanaagsaneynย eeย u horseediย kara dhibaatadda ay arrintoodaย Maxkamadda ka furtaan inayย dacwadooda u gudbinย karaanย Komishanka, markaas waxa aan ka baryayaa asxaabtaas Mudaharaadka ballanqaadeyย inay arrinkaasย kaย fiirsadaan ooย ay Mudaharaadka wajigiisa kaย fiirsadaan oo ay wajigiisa ka daayaan ooย ay ย iyagu Kiiskoodaย furtaanย waayoย waxย kastaaย way dhiciย karaan Cadaaladย darroย wayย dhiciย kartaa, hawshan Mudaharaadkunaย Qarankaย ayeyย dhibaatoย sooย gaadhsiinย kartaa, Asxaabtaย intaย hadheynaย Xisbigaa Badbaadoย ayaaย sheegayย isaguย inaanuย Mudaharaad u gudbineyn ย arrintiisa, waxa aanan leeyahay walaalayaal inaga daaya Mudaharaadย ooย dadย kawย iyo Labaatan Sannoย arrimahooda warbaahinta ku dhiibanayeyย ayeynu aheyn ย Cadaaladuna waa dhaarย ooย haddeyย qoladaasiย inayย Cadaaladย faleenย kuย dhaartaan ย deeย Cadaaladeeda waaย la arkiย karaa, waxa aananย asxaabta kulaย talinayaa ย ooย aanย leeyahay.โ
Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi, โWaxaย inaguย sooย socda ย kiiย Koonfureed eeย Somalilandย iyoย Somaliaย wadaย hadlayeen, laakiin waa ay u muuqanaysaaย haddiiย uuย Mudaharaadkaasi Hirgalo ย dhibaatoย aanย laย fileynย inayย sooย baxdo,ย waxa aanย leeyahayย Mudaharaadkaasย aad ku baaqdeen ka fiirsada ย Xukumaddana ย waxa ย aan ย leeyahay ย in ayย iyadda laftigeeduย kaย fiirsatoย arrintanย oo ay baadhis Xoogganย kuย sameysoย Ummadda sidiiย Nabadgelyadooda loo ย sugiย lahaa.โ
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net