Xisbiga Kulmiye oo Faahfaahiyey Natiijada Kulan Dhexmaray Wefti ka socda Beesha Caalamka

0

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay kulan dhex-maray Wefti ka socda Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera nidaamka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka oo maanta dalka yimi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo caawa Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ka warramay waxyaabaha ay ka wadahadleen weftigaas iyo halka ay ka taagan yihiin goโ€™aankii guddiga dhex-dhexaadinta khilaafka Xisbiyada iyo Xukuumaddu soo saareen Isniintii todobaadkan.

Muuqaalkan Hoose waxaanu idinku soo gudbinaynaa Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye ahna Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ay garab-joogaan Masuuliyiin Kulmiye oo arrimahan ka hadlaya.