Hargeysa, 16 April, 2012 (SLpost)- Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil โSayliciโoo ay weheliyaan Masโuuliyiin ka socota hayโada FOA ayaa Maanta kormeer ku tagay xarun lagu farsameeyo hadhaagaย lafaha xoolaha oo ku taala magaalada Hargaysa isla markaana uu u kuurgalay qaabka ay u shaqayso xaruntani.
Xaruntan oo ay gacanta ku hayso ururka Wadaniga ah ee โSomdaโ waxa lagu farsameeyaa isla markaana ay soo saartaa Saabunta dharka lagu maydho qalabka la isku qurxiyo iyo agab kale, kuwaas oo dhamaantoodba laga sameeyo hadhaaga lafaha xoolaha oo wakhtiyadii hore la daadin jiray.
Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil โSayliciโ waxa uu soo indho indheeyay qaybaha wax soo saar ee xaruntan isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay qaabka looga faaโiidaystay lafaha xoolaha waxaanu sheegay in Xukuumad ahaan ay dhiirigelinayaan muwaadiniinta ku hawlan wax soo saarkan wadaniga ah oo dhinaca kalena ka ah ayuu yidhi qorshe fursad shaqo looguย abuurayo dhalin-yaro badan .
Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo hadal halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in xaruntani ay qayb wax ku ool ah ka qaadanayso kobcinta Wax soo Saarka Wadaniga ah isla markaana ay soo saarayso wax dalka iyo dadkaba anfaca,Wasiirku Waxa uu xusay in markii hore bulshadeenu aanay aqoon u lahayn sida ugu haboon ee looga faaโiidaysan karo hadhaaga lafaha xoolaha oo la daadin jiray .
Wakiilka Bariga afrika ee hayโada FOA Mr Luka Alinofa oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in xaruntani ay mudo kooban oo ay jirtay ku talaabsatay horumar weyn oo la taaban karo isagoo intaas ku daray in hayโadoodu ay sii wadi doonto taageeradii ay siin jirtay xaruntan Somda .
Geesta kale Gudoomiyaha Iyoย Gudoomiye ku xigeenka Xarunta Somda Suwaysara Yuusuf Maxamed iyo Siciid Ibraahin Faarax ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka ay xaruntani u shaqayso waxaanay sheegeen inay ka hawl galaan in ka badan Konton Xubnood oo Muwaadiniin ah oo la tababaray, Waxa ay Madaxda Xaruntani Shahaado sharaf gudoonsiiyeen Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Wakiilka Bariga Africa ee Hayโada FAO Mr Luka Alinofa .
SLpost News/Hargeysa