Hargeysa, 16 April, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somalilandย Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa ka qayb galay Xafladย ย lagu dhamaystirayeyย mashruuc laguย ย daaweeyayย shan boqol oo kunย oo Neef, Isla markaana lagu Bilaabayeyย ย talaalkaย afar Milanย oo Neef oo xoolo ah, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee Hargeysa.
Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen dhakhaatiirta iyo howl-wadeenada Wasaarada Xannaanada Xoolaha, madaxaย ย Hayโada FAOย Xarunteeda caasimadaย ย Hargeysa Maxamed Jaamac Gaheyr iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaadaasi Maxamed Axmed cabdi, waxa ugu horayn ka hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Drย Cabdi Aw daahir, waxaanu sheegay inย ย uu diyaarย ย yahayย ย in la bilaaboย ย talaalka Afar milyan oo neef oo laga talaalayo ayuu yidhi Cudurada halistaย ย ku ah xoolaha , isla markaana dabar goyn kara,Waxa uu xusay in xooluhu yihiin laf dhabarta dhaqaalahaย ย dalka, isagoo tilmaamay in xooluhu ay yihiin kuwa aynu ka heloย dheefta kala duwanย ย sidaย ย Hilibka, Caanaha iyo Subaga.Waxaanuu Wasiirku u mahad celiyeyย ย dhakhaatiirta, kal-kaaliyayaasha iyo farsama yaqaanada wasaaradda dedaalka shaqo ee ayย ย sameeyeenย iyo sida ay u guteen hawsha caafimaadinta xoolaha.
Waxa kale oo isna halkaaย ย ka hadlay Madaxa Hayโadda FAO Maxamed Jaamac Gaheyr ,waxaanuu ka waramay wada shaqeynta ayย ย leeyihiin Wasaarada Xannaanada Xoolahaย ย iyo mashruucan dhamays tirka daaweynta Xoolaha. Waxaanuu Xusayย ย in mashruucaasiย ย lagu daaweeyay xoolo ilaa shan boqol oo kun gaadhaya oo xanuuno kala duwan laga daaweeyay, taas oo laga soo fuliyay ayuu yidhi dhammaan gobolada Somaliland, waxa kale oo isna halkaa ka hadlay madaxa Cusub ee isku-xidhkaย ย ย barnaamijyada Xoolaha.
Geba-gebadii xafladaasi waxa isna halkaaka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xannaanada Xoolahaย Maxamud Axmed cagaweyne, waxaanuuย ย ka waramay ujeedadaย ย qabashada xafladan oo uu sheegay in lagu soo gunaanadayey mashruuca daaweynta xoolaha iyo in lagu furo mashruuca talaalkaย ย Xoolaha oo la bilaabayo cudurla sun-sunka, gaar ahaan idaha iyo Riyaha. Oo ah cudur halis ah,si dalka looga dabar jaro.
SLpost News/Hargeysa