Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa daah-furtay barnaamij la yidhaahdo UP SHIFTING oo lagu maalgelinayo dhallinyarado ku soo baxay tartan loo galay fursado maalgashi oo ay soo bandhigtay Dalladda Isku-xidhka Haweenka Somaliland ee Nagaad.
Kulanka lagu daah-furay barnaamijka lagu maalgelinayo dhallinyaro tiradoodu dhan tahay 50 qof oo isugu jira gabdho iyo wiilal oo lagu qabtay Caasimadda Hargeysa shalay, waxa hadal ka jeedisay Agaasimaha Dalladda Isku-xidhka Haweenka Somaliland ee NAGAAD Marwo Nafiisa Yuusuf Maxamed oo faahfaahin ka bixiyey barnaamijkan maalgelinta ah iyo faaโiidooyinka ugu jira daโyarta Somaliland.
โWaxa la idin siinayaa tababarro oo marka aad tababarradaas qaadataan ayaa dabadeeto figradihiinii oo ah mid aan keli-keli ahayn, laakiin wada-jir ah oo la isku geeyey ayaa la idinku maalgelinayaa, waxaanna imminka halkan laga dhawaajiyey in Afrika ay innaga horaysay Suudaan oo qudha, markaa waxa laga yaabaa dee Afrikaan aynu wada ahaanno, laakiin baahiyaha iyo caqabadaha jiraa inay kala duwan yihiin,โ ayey tidhi marwo Aniisa Yuusuf Maxamed.
Waxayna intaas ku dartay; โMarkii aannu fursadahan soo xayeysiinay waxa la soo xeraystay laba boqol (200 Applications) oo codsi, markaa 50-kiinan ayaa fursadaas helay oo noqday kontonkii ugu horeeyey ee fursaddaas hela, markaa waxa guud ahaan loogu talogalay laba boqol oo qof inay ka faaโiidaystaan, idinkuna waxa aad tihiin 50-kii qof ee ugu horeeyey, runtiina waxa aad waddanka u tihiin jiil lagu daydo (role model) oo dhallinyarada kale ee idinka dambaysa aad u tihiin, runtiina waa arrin aynu u baahannahay oo fikirkii midho-dhalanka ahaa ee quruxda badnaa in aad ka midho-dhalisaan.โ
Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin, isla markaana soo dhawaynayaan barnaamijkan lagu maalgelinayo dhallinyarada isugu jirta hablaha iyo wiilasha ee tiradoodu tahay 50-xubnood.

โWasaaraddu iyadoo ilaalinaysa ama fulinaysa adeegyada ay bulshada masuulka uga tahay ee ay ugu horayso shaqo-gelintu, waxa aannu soo dhawaynaynaa barnaamijkan la yidhaahdo UP SHIFT oo runtii ah barnaamij midho-dhal leh, sababtuna ay ku tahay intii qofka la odhan lahaa; โwaxaas ka shaqeeโ in isagu uu la yimaado fikirkiisa waxa uu qaban karo ama waxa ku habboon ee uu isleeyahay degaanka uu ku sugan yahay runtii way ka soconayaan oo way ka hirgelayaan, markaa aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa mashruucan, idinka oo dhanna waan idinku soo dhawaynayaa in aad nasiib u yeelateen in aad noqoteen kooxdii koowaad ee lagu eego barnaamijkan, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa in aad noqon doontaan kuwa suurtogeliya inuu noqdo mid la sii ballaadhiyo oo dalka oo dhan ka hirgala,โ ayey tidhi Wasiirka Shaqo-gelintu.
Waxayna intaas hadalkeeda ku sii dartay; โWaxa kaloo aan idiinku bushaaraynayaa in Wasaaradda Shaqo-gelinta, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Wasaaradda Maaliyaddu ay gacanta ku hayaan lacag dhan $200,000 (laba boqol oo kun oo doollar) oo Madaxweynaha qaranka Somaliland uu ugu shubay dhallinyarada reer Somaliland ee u baahan in la-gacan-qabto ay yeeshaan oo loo qoondeeyey, waxaanna farxad ii ah in dadka hal-abuurka u leh ay yimaadaan oo ay maskaxdooda tuujiyaan, kana fikiraan waxa ay ka shaqaysan karaan ama ay qabsan karaan.โ
Saraakiil iyo masuuliyiin ka socday Hayโadaha kala duwan ee barnaamijkan qaybta ah oo ay ka mid yihiin Hayโaddaha UNICEF iyo D.O.T, kuwaasoo faahfaahin ka bixiyey waxtarka iyo faaโiidooyinka uu barnaamijkan shaqo-abuurka ah u leeyahay dhallinyarada Somaliland ee la maalgelinayo, iyagoo xusay in dhallinyaradan tiradoodu dhan tahay 50-ka qof lagu maalgelinayo figrado ganacsi oo ay iyagu soo bandhigeen.







