Guddiga Qandaraasyada oo Shaaciyey Magacyada Laba Shirkadood oo ku guulaystay Fulinta Mashaariic loo tartamay

0

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey magacyada shirkadaha ku guulaystay tartan loo galay Mashaariic loo fulinayo hayโ€™adda Dhowrista Tayada, kuwaas oo tartanka qandaraaskooda todobaadkii hore la furay.

Mashaariicda tartanka loo galay oo ay ku soo baxeen laba shirkadood oo ka soo dhexmaray tobanaan shirkadood oo tartanka ka qayb-galay, ayaa kala ah dhismaha Xarunta Guud ee hayโ€™adda Dhowrista Tayada ee magaalada Hargeysa iyo dhismaha Xarun Sheybaadhka oo hayโ€™addu ku yeelanayso magaalada Berbera.

Munaasibad gelinkii hore ee maanta ku qabsoontay Xarunta Guddiga Qandaraasyada oo lagu shaaciyey shirkadaha ku guulaystay fulinta labada mashruuc, ayaa waxa goob-joog ka ahaa Xubnaha Guddiga Qandaraasyada oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddigaas Nuux Maxamed Xuseen, Masuuliyiin ka tirsan hayโ€™adda Dhowrista Tayada iyo Wakiillo ka socday Shirkadaha qandaraaska ka qayb-galay.

 

Guddoomiyaha guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa madasha ka akhriyey goโ€™aanka guddiga ee kala-saarista shirkadaha tartamay oo lagu kala xulay shuruudo qiimeyntooda lagu saleeyey, waxaanu guddoomiyuhu halkaas ka sheegay magacyada shirkadaha ku guulaystay fulinta labada Mashruuc.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dhismaha Xarunta Shaybaadhka ee magaalada Berbera ay ku guulaysatay shirkad lagu magacaabo Al-Khadar Construction, halka sidoo kale dhismaha Xarunta Guud ee Hayโ€™adda Dhowrista tayada ay ku guulaysatay shirkad lagu magacaabo Redsea Construction Company.

โ€œLabadaas shirkadood ee labada mashruuc ku guulaystay, waxaanu kula dar-daarmaynaa inay fuliyaan dhisme tayo leh, iyagoo raaci doona Design-nada (Naqshadaha) Injineerradu ugu talo-galeen. Shirkadaha aan maanta ku soo bixin qandaraaskan, nasiib wanaagsan baan u rejaynayaa,โ€ Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Mr Nuux Maxamed Xuseen.

Waxa kale oo madasha hadallo ka jeediyey xubno ka socday Shirkadaha lagaga guulaystay tartanka, waxaanay halkaas ka sheegeen inay ku qanacsan yihiin goโ€™aanka guddiga isla markaana ay hambalyeynayaan shirkadaha guuleystay.

Muuqaalkan Hoose Kaga Bogo Hadallada Masuuliyiinta iyo Xubnaha ka socday Shirkadaha kala duwan

 

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com

Hargeysa, Somaliland