Hadalladii ay Ergadu ka jeedisay Shirka Maanta Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland
Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergada Nabadaynta Gobolka Sanaag iyo Dhexdhexaadinta Jabhadda Caarre iyo xukuumadda, waxaanay is Af-garad buuxa ka gaadheen soo af-jaridda arrinta Buuraleyda Woqooyi ee Gobolka Sanaag.
Madaxweynaha oo madasha ka hadlay, waxa uu dhawaaqay inuu cafiyey dhammaanba ciidamada la socda Siciid ย Caarre, isaga oo xusay in Cafis loo fidiyo Siciid Laftiisu u baahan yahay sharciyad la raaco, maadaama ciidamada iyo saraakiishoodu kala kiis yihiin, โCiidamadu waxa ay u kala qaybsan yihiin saraakiil iyo askar, waana kala kiis, innamada halkaas jooga sarkaalka sare mooyaane intooda kale dhammaantood wax allah wixii qaranku dembi u haystay waan ka saamaxay, sharcigaana ii oggol, laakiin gaashaanlaha sare ee hoggaaminaya waxaynnu u baahannahay inaad iisoo martaan sharci aan ku saamixi karo, qofku markuu xidhan yahay oo dembigii uu qaatay oo uu xabsi ku jiro oo laga fikiro qofkii dembigii wuu ka baxay Saamax iyo qofkii dalka ma joogo,โ ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Cali Badda-cas, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Chief caaqil Maxamuud Nuux, Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, Sheekh Cawil Faatax iyo waayeel kale oo ka mid ah ergada nabadaynta, ย ayaa madaxweynaha la qaatay in dhammeeyo dhibaatadaas, waxana uuย madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu diyaar u tahay adkaynta nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan cidina ka sarrayn shuruucda dalka u dejisan, islamarkaana aan la baalmari karin Dastuurka qaranka.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa dhankiisa taageero ballaadhan u muujiyey in qaran ahaan la isla qaato in wada-jir loosoo af-meero arrintaas, waxana uu tilmaamay inuu si buuxda usoo dhaweynayo goโaanka uu madaxweynuhu ka qaatay arrinta gobolka Sanaag iyo ciidamadii arintaas ku lug yeeshay ee madaxweynuhu cafiyay isagoo suldaanku ku hambalyeeyay madaxweynaha talaabadaas, waxana uu yidhi, โWaannu kula qaadannay natiijada goโaankeeda, waxana aannu ku dedaalaynaa sidaa aad noogu goโaamisay inaannu ku dhammayno oo aannu kasoo qaadno arrin aan laga noqon karaynin, Arrinta aad imika goโaamisay way noo caddahay, waanu kula qaadanayna arrinkaas. arrinkaasina arrin dib looga noqdo ma ahee aan sidaas ku hambalyeyno madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.โ