Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay Gorgor la sheegay inuu Carruur ku cunay, qaarkoodna ku cunay deegaano ka mid ah Dhulka Soomaalida Itoobiya, kaasi oo Maalmihii u dambeeyayna lagu sheegayey deegaannada Somaliland.
Shimbir loo malaynayo inuu yahay Gorgorka waaweyn oo Dad cun noqday ayaa bishan Gudaheeda Hal Qof oo Carruur ah ku cunay deegaan ku dhow Gaashaamo oo ka mid ah Gobolka Soomaalida Itoobiya, waxaanu dhaawacay laba kale.
Shimbirkan oo Maalmihii u dambeeyay lagu sheegayey meelo ka mid ah Somaliland ayaa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo Saxaafaddu waydiisay waxay kala socdaan Shimbirkan Dad Cunka ah, ayaa sheegtay inay xidhiidh arrintan kala sameeyeen Dawladaha Caalamka, baadhitaana wadaan.
Wasiir Shukri oo Arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi โWaa wax innagu soo kordhay oo cusub (Haadka Dadka Cunayaa), weli baadhitaan ayaanu ku maqanahay oo caalamka ayaanu la xidhiidhnay, meelo badan oo aanu la xidhiidhnay waxbay ka soo sheeg-sheegayaan.โ
Wasiirku waxa kale oo ay sheegtay โShimbiraheena way naqaanaa, Shimbiraha Adduunkana boqolkiiba sagaashan waalla garanayaa way diwaangashan yihiin, sida Bani-aadamka uu Ilaahay inba meel ugu abuuray ayuu Shimbiraha inba meel ugu abuuray, waynu naqaanay ama Tuke aynu nidhaahno ama aynu Haad nidhaahno ama baqaye ha ahaado ama Xuunsho ha ahaato.โ ayuu yidhi, waxaanu intaa u daray โDalka Itoobiya Xuduud dheer baynu wadaagnaa, had iyo jeer xuduudkaa wax badan baa ka soo gudba, inta badana xayawaanku dhanka Itoobiya ayay ka soo gudbaan.โ
Wasiir Shukri waxa kale oo ay Carrabka ku dhufutay in shimbirka dad Cunka ah ay saamaysay Isbeddelka Cimiladu โIsbeddelka Cimiladu inay saamaysay ayaa laga yaabaa oo wuxuu cunayey uu waayay, marka Magaalooyinka oo kale ku fidaan ee dhirta la jaro ee uu waayo meel uu ku dhalo wuxuu noqonayaa Haad geed waayayโฆโayay tidhi, waxayna intaa ku dartay โQorshaha Wasaarad ahaan nooga yaallaa waa inaanu Dadka Wacyi-gelino oo aanu nidhaahno iska jira.โ
Wasiirku waxa kale oo ay si kaftan ah u sheegtay โMalaha innagana farriin baa la inoo soo dirayaa (oo la leeyahay) Carruurtii yaryarayd iyo Dumarkii aynu Adhiga u diraynay ayaa la leeyahay Raggiiyoow ku noqdo oo reerihii ilaaliya, inta Makhaayad la joogo. inaynu ducaysanana way tahay, Waayo? Dad Muslim ah ayaynu nahay,โayay sheegtay Wasiirka Deegaanka ee Somaliland.
@HCTV