Hoggaanka Kulmiye oo Sharraxay Qaabka uu Madaxweyne Muuse Biixi ku wareejinayo Guddoomiyenimada Xisbiga

0

Hargesysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere ayaa faahfaahiyey Dariiqa Sharci ee loo marayo in Madaxweynaha Somaliland oo ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu Xilka Guddoomiye-nimo u wareejin doono.

Axmed Cabdi Dheer oo Maanta Saxaafadda kula hadlayey Xarunta Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Hargeysa ayaa isagoo ka jawaabaya suโ€™aal nuxurkeedu ahaa in Guddoomiye-nimada Xisbiga hab qabiil loola kala wareegayo.

โ€œXisbiga KULMIYE Guddoomiye-nimadiisa la iskuma wareejiyo, reerana iskuma wareejiyaan, Muuse-na laguma wareejin, hebel kalena lagu wareejin maayo, Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa cod u qaaday in Maalinta doorashadu dhacdo in lagu wareejiyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga, markaa dariiq bay leedahay, markaa reerana iskuma wareejin, hebelna kuma wareejin hebel, Annaga ayaa gacanta u taagnay, imikana Gacantii ayuun baa la sugayaa”.

“Ninkii isa soo sharraxa ayuun baa codka la siinayaa, Qof kastaana Xaq buu u leeyahay, laakiin wax ay reeru isku wareejinayaan ama Guddoomiyuhu uu Guddoomiye kale ku wareejinayaa ma jirto,โ€Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Dhinaca kale, waxa uu Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo go’aan ay xisbiyada Mucaaradku si wada-jir ah u soo saareen shalay, kaas oo labada xisbi ku soo magacaabeen laba xubnood oo u meteli doona Guddiga Doorashooyinka.

โ€œMuddo badan ayaynu sugaynay in Saddexda xisbi wax isla afgartaan, waana dariiq dheer oo ay Somaliland soo martay in wax kasta lagu dhameeyo Wada-hadal, wallow ay sannadkan naga yara xumaatay oo dhex-gal la nagu sameeyay Arrintaa aanu Maanta ka heshiinay, hadday qaateen Xisbiyadii Mucaaradka ahaa aad iyo aad baanu ugu Hambalyeynaynaa, waanuna soo dhawaynaynaa,โ€ Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net