Berbera (SLpost)- Siddeed Qof oo ka mid ah Shaqaalaha ka hawl-galayey Xafiisyada Wakiillada Maraakiibta ee Magaalada Berbera ayaa Xabsiga loo taxaabay.
Dadka la xidhay ayaa la sheegay inay ka dhego adaygeenย Awaamiir ka soo baxay Xukuumadda, gaar ahaana Wasaaradda Ganacsiga, sida uu sheegay Isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi.
โWaxaan kuu xaqiijinayaa inaanu Saaka soo xidhnay Wakiillada Maraakiibta, tirada xidhana waa 8 Shaqaalaha..โ ayuu isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo la hadlayey Warbaahinta Dawladda
Isku-duwuhu wuxuu faahfaahiyey Sababta loo xidhay 8-da Qof, wuxuuna yidhi, โNimankaasi waxay Baal-mareen Sharcigii iyo Awaamiirtii Dawladda, waxay diideen inay fuliyaan oo way ka dhego-adaygeen Digreetadii Wasiirka Ganacsigaโ.
Wakiillada Maraakiibta ayaa hore shaqo-joojinย u sameeyay, ka dib markii Xukuumaddu amartay inay wax ka dhimaan Kharashaadka ay ka qaadaan Alaabooyinka ay Ganacsatada uga soo dejiyaan Maraakiibta.
Somalilandpost.net