Abbaanduulaha Koowaad ee Ciidammada Qaranka Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Bullaale ayaa shir-jaraaโid oo uu Maanta ku qabtay Xarunta Miiska Saraakiisha wuxuu kaga jawaabay hadal ka soo yeedhay Taliyaha Ciidammada Puntland.
Taliyaha Ciidammada Puntland ayaa isagoo ku sugan Degmada Badhan wuxuu Somaliland ku eedeeyey inay gacan-saar la leedahay Kooxda Al-shabaab, laakiin Abbaanduulaha Ciidammada Millateriga Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Bullaale oo hadalkaa daba socda ayaa yidhi โWaxaanu ka jawaabaynaa hadalladii Deel-qaafka ahaa ee uu Taliyaha Ciidammada Puntland uu bishan Shanteedii Badhan kaga hadlay, hadalladaas oo ahaa inuu Somaliland ku tilmaamay Al-shabaab ama inay Somaliland iyo Al-shabaab iskaashadaan.