Hargeysa, 11 April 2012 (SLpost)- Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Md. Sacad Cali Shire ayaa si adag u dedefeeyay dhaliilo loogu jeediyey xukuumadda uu ka tirsan yahay inay Sanduuq dibadeed u samaysatay Deeqaha dalka la siiyo isla markaana faahfaahin ka bixiyey nooca hayโad Horumarineed oo dhawaan lagaga dhawaaqay dalka Ingiriiska.
Wasiirka Qorsheyntu waxa uu sheegay in deeqaha waddamada horumariyey ay Somaliland siiyaan loo soo mariyo hayโado caalami ah kuwaas oo mashaariic kaga fuliya dalka gudihiisa isla markaana aanay jirin Lacag toos ah oo xukuumadda gacanta laga geliyo.
Waxa uu wasiirku sidaas ku sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay oo warbaahinta la soo gaadhsiiyey, waxaana warsaxaafadeedkaas uu si qoto dheer ugaga hadlay siyaasadda xukuumadda uu ka tirsan yahay ee ku wejehan Deeqaha Somaliland la soo gaadhsiiyo.
Warsaxaafadeedkaas oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:
โWaxaa jira beryahan dambe eedeymo saxaafadda lagu baahiyey oo ku saabsan leexsad deeqo layna siiyey. Giddigeenba shicib, siyaasiyiin iyo dawladba waxaa xil innaga saaranyahay ilaalinta iyo dhowrista hantida qaranka. Dawladdana in la dhaliilaa hanaanka dimuqraadiyadda aynu dooranay ayey ka mid tahay. Waxaase haboon in aynu marka hore fahanno habka deeqda laynoo siiyo.
Waddamada soo koraaya ee la aqoonsanyahay deeqda la siiyo inteeda badan waxaa toos gacanta looga geliyaa dawladda oo lagu kabo miisaaniyaddeeda. Deeqahaa waxaa bixiya dawladdo ย ama hayโado (Bilateral Aid). Innaka maadaama aan layna aqoonsanayn deeq toos ah oo lacag ah cid inna siisa ma jirto. Deeqaha layna siiyo oo dhan waxaa laynoo siiyaa si dadban. Waxaa laynoo soo mariyaa hayโadaha qaramada midoobey, hayโadaha samafalka ee caalamiga ah, shirkado gaar ah, ama hayโadaha samafalka ee wadaniga ah. Deeqahaasi waxay inna soo gaadhaan iyaga oo mashaariic ah. ย Mararka qaar waxaa mashaariicdaas fuliya wasaaradaha iyo hayโadaha dawliga. Mashruuc waliba wuxuu leeyahay ujeeddo, waxsoo saar, daba gal iyo xisaab celin. Waxaan filayaa in aanay jirin welina lama kulmin hayโad lacag mashruuc loogu talo galay ku shubtay akaawn gaar ah oo masuul qaran leeyahay.
Waxaa iyana jirta suโaalo badan oo layska weydiiyey ujeedada, qaabdhismeedka iyo shaqada hayโad la yidhaahdo Shirkada Harumarka Soomaaliland (Somaliland Development Corporation) oo ay si weyn isugu hawleen ugana shaqeeyeen muwaadiniin reer Somaliland ah iyo saaxiibo Somaliland oo muhiim ah. Hayโaddaas oo laga diiwaan geliyey dalka Ingriiska. Guddida agaasinka hayโaddu waxay ka koobantahay xubno muwaadiniin ah iyo xubno iIngriis ah. Hayaโddu waa hayโad madax banaan oo aan dawli ahayn. Waxay ka koobantahay laba qaybood: Qayb hayโad samafal ah iyo qayb shirkad gaara ah.
Qaybta samafalku waxay la mid tahay hayโadaha samafal ee caalamiga ah. Ujeedadeedu waxa weeye in ay mashaariic harumar wadanka ka fuliso. Mashaariicdaas oo ay maal gelindoonaan wadamada iyo hayโadaha deeqda bixiyaa.ย Qaybta shirkadda gaarka loo leeyahay ujeedadeedu waxa weeye in ay soo hagto oo u fududayso sidii ay u maal gashan lahaayeen wadanka shirakaha ajanebigu.
Waxaa iyana hawshiisu socotaa saduuq (Trust Fund) ay wadajir u samaynayaan dawladda Ingriiska iyo dawladda Denmark. Sanduuqa lacagta ku soo dhacda waxaa si toos ah lagu fulindoonaa mashaariic harumarineed. Qaab dhismeedkiisa, iyo hab maamulkiisu weli waa hawl qabyo ah oo socota.
Deeqaha layna siiyaa imminka kama muuqdaan miisaaniyadda dhexe ee dawladda waayo dakhli khasnadda dhexe ku soo dhacay oo dawladdu goโaamiso sida loo isticmaalaayo maaha. Hase yeeshee siyaasadda dawladda ayey ka mid tahay in miisaaniyadda lagu xusu oo lagu lifaaqo warbixin wixii sannadkii hore deeq wadanka soo gaadhay iyo odoros waxay hayโaduhu ugu talo galeen sanadka soo socda iyo meelaha loogu talo galay. Si ay taasi innoogu hir gasho waxaynu u baahanahay in aynu hayโadaha ka hello warbixin iyo qorshayaashooda. Arrinkaasi sidii uu innoogu fulilhaana hawshiisu way socotaa. Sharciga Hayโadaha Samafalka ee uu madaxweynaheenu saxeexay November 2010 ayaa faraaya kuna waajibinaaya hayโadaha in ay xogta wax qabadkooda iyo qorshahoodaba ay u soo gudbiyaan dawladda.
Dawladda madaxweynaheema Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu hoggaaminaayo waxaa ka goโan, siyaasadeeduna tahay in la dhawro oo la ilaaliyo hantida ummadda ama cashuur ha noqoto ama deeq la siiyey ha noqotee. Hawshaana waxaa u xil saaran hayโado khaas ah sida hantidhawrka iyo hayโadda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Guud ahaanna shacab, baarlaman iyo dawladba waxaa xil innaga saaranyahay dayac ka ilaalinta hantida qaranka. ย Haddii cidi ku takrifasho ama ย lagu tuhmo in ay leexsatay wixii lagu aaminay, waxaa loo baahanyahay in hayโadaha sharciga ah ee arrinkaasi khuseeyo la gaadhsiiyo, iyana waxaa ku waajib ah in ay xilkooda gutaan. Taasbaana Saldhig u ah siyaasadda dawladda.”
Dr. Saad Ali Shire
Wasiirkaย Qorshaynta Qaranka iyo Horumarka’