Asalaamu Calaykum ,ย ugu horayn waxaan salaamayaa Shabakadaha warbaahinta iyo inta afsoomaaliga ku hadhasha , waxaan si gaar ah u salaamayaa abwaanadii ka qayb qaatayย silsiladan ahaydย taladay suugaantaย oo uu bilaabay abwaan Qoraneย wacays gabyxoogย kanina waa gabay kamid ah silsiladan tiinleyda ahย oo aan curiyeyย 20/10/2011
Waayahanban taahbaan ku jiray tawsna waan qabaye
tashuush baa igalay oo maladin toban dharaaroode
tiiraanyo igu raagtaybaanย tuur isleeyahaye
taminigaย habeenkii hurdada toosay oo kacaye
tuhun igu lamaan iyo hammigu wuu itiimbadaye
matusmaysan umana tudhan hadana taatax orodkiiye
tamartaada wixii uun ahee kula se toosnaada
toorihiisa inaad raacdo iyo tiigsabaa wacane
Tafsan haba dambaysee hadaan tirade kaa buuxin
Waa lala tacaalaa wixii toosin kaa mudane
maantana tiraabtaan rabee abid tisoobeynin
kol haddii abwaan tanuu ku kabay taaj usoo galiyey
aan tibaaxo maansooyinkii aanย tusmeyn jiray
Suugaantu goortay tagtaan tabay abraartiiye
taariikhdu goortay luntaan jaray tiraabtiiye
balse waxay talaabadu baxdaa goorta ay tahaye
tilmaantuna marbay fiicantoo taysna leedahaye
geelaba waxaa loo tisaa ood latiirdhigaye
hadalkana abwaan taabtaybaa loo tixgeliyaaye
tawjiiha waa lagu wadaa taabi geedigaโe
murtidana waxaa loo tabcaa jiilka soo taxane
kuma taranto meel aan lahayn tog iyo maamuuse
kuma toyato meel aan lahaynduul lataabacoโe
Walaahiye tabtay ilatihiyo taladay suugaanta
haddii aan tisqaad iyo wanaag loo tixgelinaynin
ama aan lataabicin dhakhsaa laysuย tiriyaaye
tollaahiye waxaa soo ifbixi tuuryo yaab badan!!!
Afkeenii tahriibuu ku lumay taana waa halise
tarxiil wuxuu ku marayaa badweyn teela loo dhigane
luuqdiina tookhbaa badalay iyo taar nin soo diraye
hidihiina teybaaย bedalay teylor iyo gaale
dhaqankiina tamashlaa badalay oo toban ba waa cayne
toorihiisi wuu lumay waqtigu wuu istarayaaye
Walaahiye tabtay ilatihiyo taladay suugaanta
haddii aan tisqaad iyo wanaag loo tixgelinaynin
ama aan lataabicin dhakhsaa laysuย tiriyaaye
tollaahiye waxaa soo ifbixi tuuryo yaab badan!!!
Tumaatidu intay leegtahaan tag isbidayaaye
tiigsaan isleeyahay raggaa tiirshay dhabarkeede
toosibaan isleeyahay abwaan tiicay waa horeโe
tartiib iyo tusmaa heegan roon toosan iyo muuqe
tiiribaan isleeyahay murtidu yey tawaawicine
Taladeedu geedbay lahayd tooyashada guude
tiiriyaay rag yuu kala tagine tanina weeyaane
tayeynteedu guul waxay u tahay kaan wax tarahayne
waxba taladu yey ila durkine waxaan kusoo teedshay
maantabaย turaabkaa kabadan tiro lasheegaaye
tobanaan kun waa gaadhayaan kuwa tiraabaaye
bal ka taliya maantaba hadii laysu tabinaayo???
Hal-abuur: Cabdirashiid khadar jamac (halac)
Hargeysa, Somaliland
Phone :002522 4009120
ย e-mail: qabile44@hotmail.com