Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyey Guddiga Madaxweynaha Somaliland u magacaabay diyaarinta wada-hadallada

0

Muqdisho, 09 April, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay dawladdiisu soo dhawaynayso Guddiga Madaxweynaha Somaliland u magacaabay qaban-qaabinta wadahadallo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu sheegay inay wax lagu farxo tahay inay Somaliland iyo Soomaaliya dhawr iyo labaatan sano ka dib u diyaar-garoobeen in wadahadal dhexmaro. โ€œWaxyaabaha dawladdu ka shaqaynaysa waxa ka mid ah wadahadallo lala galo Walaaleheenna Somaliland, waa wax lagu farxo dhawr iyo labaatan sano ka dib, inaynu wadahadalno,โ€ sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta hadal ka jeediyey xaflad lagu qabtay Muqdisho.

Waxaanu Sheekh Shariif oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; โ€œWaad Ogtihiin walaaleheenna reer Somaliland inay Guddi u magacaabeen wadahadallada Soomaaliya, waannu soo dhawaynaynaa, sidii aan hore u sheegnay annagu dhinacayaga diyaar baannu u nahay wadahadalladaasm dhakhsona waxaan u magacaabaynaa Guddiga wadahadalka. Aan wadahadalno waa aan heshiinno.โ€

SOMALILANDPOST.NET

Webmaster@somalilandpost.net