Washington (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa amar deg-deg ah ku soo saaray in dalkiisu gebi ahaanba fadhiisinayo isla markaana joojinayo shaqada noocyada diyaaradda ee Boeing 737 Max 8 iyo 9 oo ah noocyo cusub oo shirkaddu soo saartay sannadkii 2017-kii.
Goโaanka ayaa ka dambeeyey caddeymo cusub oo ka soo baxay baadhitaanno lagu sameeyey diyaarad noocan ah oo ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airlines oo Axaddii todobadkan ku burburtay gudaha dalkaa xilli ay ku sii jeedday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana shilkaas ku geeriyooday dhammaan dadkii saarnaa oo tiradoodu ahayd 157 qof.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu gebi ahaanba fadhiisinayo isla markaana joojinayo shaqada noocyada diyaaradda ee Boeing 737 Max 8 iyo 9 oo ah noocyo cusub oo shirkaddu soo saartay sannadkii 2017-kii.
ย โWaxaanu soo saarnay amar deg-deg ah oo lagu joojinayo dhammaan duullimaadyada 737 Max 8, Max 9 iyo diyaaradaha la midka ah,โ Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Trump oo gelinkii dambe ee maanta shir-jaraaโid ku qabtay Aqalka Cad.
Mr Trump waxa uu intaas ku daray in amarka lagu joojiyey shaqada diyaaraddu uu sii soconayo ilaa macluumaad dheeraad ah ay ka helayso Hayโadda Duulimaadyada ee Marayanka (Federal Aviation Authority), macluumaadkaas oo ay ku jiraan cadeymaha laga helay goobtii burburka diyaaradda ee gudaha dalka Ethiopia.ย
โBadbaadada Shacabka Maraykanka iyo guud ahaan Dadka oo dhami waa masuuliyad weyn oo na saaran,โ sidaas ayuu yidhi Trump.
Goโaanka Maraykanku ku joojiyey duullimaadyada diyaaraddan waxa ku lammaan goโaamo ay sidoo kale ka qaateen 40 waddan oo ay ku jiraan Dalalka UK, France, Germany, Ireland, India, China, Australia, Indonesia, Canada kuwaas oo dhammaantood Hawadooda ka mabnuucay duullimaadka diyaaraddan.
Goโaankan ayaa ka dambeeyey kaddib markii shilal khasaare baโan geystay ku yimaaddeen laba diyaaradood oo noocan ah muddo ka yar lix bilood gudahood, waxaana shilka diyaaradda Ethiopian Airlines ka horreeyey diyaarad ay leedahay shirkadda Lion Air oo laga leeyahay dalka Indonesia, taas oo bishii October ee sannadkii hore ku dul-burburtay hawada sare ee badda Java ee dalkaas, waxaana ku geeriyooday 189 qof oo saarnaa, waxaana guud ahaan labada diyaaradood ku geeriyooday 346 qof.