Caddeymo Cusub oo soo bandhigay ciladda Farsamo ee Diyaaradda cusub ee Boeing 737 Max iyo Hayโadda Duullimaadyada Maraykanka oo Qirtay
New York (SLpost)- Waddamada Caalamka oo ay ugu horreeyaan Maraykanka, Canada, India, China iyo dhammaan dalalka reer Yurub, ayaa dhammaantood amray in la joojiyo duullimaadyada iyo shaqada ay hayso diyaaradda Boeing 737 Max 8 kaddib markii ay Axaddii todobadkan ay shil naxdin leh oo ay ku geeriyoodeen 157 qof sababtay nooca diyaaraddan oo laga lahaa dalka Ethiopia (Ethiopian Airlines Flight 302) taas oo burburtay gudaha dalkaasย xilli ay oo ku sii jeedday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu gebi ahaanba fadhiisinayo isla markaana joojinayo shaqada noocyada diyaaradda ee Boeing 737 Max 8 iyo 9 oo ah noocyo cusub oo shirkaddu soo saartay sannadkii 2017-kii.
Sidoo kale, waxa goโaankan soo dhaweeyey isla markaana khaladkeeda qaadatay shirkadda diyaaraddan samaysay ee Boeing oo sheegtay inay taageerayso goโaanka lagu joojiyey shaqada diyaaraddan balse waxa ay ku doodday inay shirkad ahaan qanacsan yihiin isla markaana ku kalsooni buuxda ku qabaan ammaanka diyaaradooda 737 Max.
Goโaankan ayaa ka dambeeyey kaddib markii shilal khasaare baโan geystay ku yimaaddeen laba diyaaradood oo noocan ah muddo ka yar lix bilood gudahood, waxaana shilka diyaaradda Ethiopian Airlines ka horreeyey diyaarad ay leedahay shirkadda Lion Air oo laga leeyahay dalka Indonesia, taas oo bishii October ee sannadkii hore ku dul-burburtay hawada sare ee badda Java ee dalkaas, waxaana ku geeriyooday 189 qof oo saarnaa, waxaana guud ahaan labada diyaaradood ku geeriyooday 346 qof.
โWaxaanu soo saarnay amar deg-deg ah oo lagu joojinayo dhammaan duullimaadyada 737 Max 8, Max 9 iyo diyaaradaha la midka ah,โ Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Trump oo gelinkii dambe ee maanta shir-jaraaโid ku qabtay Aqalka Cad.
Mr Trump waxa uu intaas ku daray in amarka lagu joojiyey shaqada diyaaraddu uu sii soconayo ilaa macluumaad dheeraad ah ay ka helayso Hayโadda Duulimaadyada ee Marayanka (Federal Aviation Authority), macluumaadkaas oo ay ku jiraan cadeymaha laga helay goobtii burburka diyaaradda ee gudaha dalka Ethiopia.ย
โBadbaadada Shacabka Maraykanka iyo guud ahaan Dadka oo dhami waa masuuliyad weyn oo na saaran,โ sidaas ayuu yidhi Trump.
Goโaanka Maraykanku ku joojiyey duullimaadyada diyaaraddan waxa ku lammaan goโaamo ay sidoo kale ka qaateen Dalalka UK, France, Germany, Ireland, India, China, Australia, Indonesia iyo Canada oo dhammaantood Hawadooda ka mabnuucay duullimaadka diyaaraddan.
Dhanka kale, war-murtiyeed ay soo saartay Hayโadda Maamulka Duullimaadyada ee Maraykanka (FAA), ayaa lagu sheegay inay goโaankan qaateen kaddib markii natiijooyin wax-ku-ool ahi uga soo baxeen intii lagu gudo-jiray geeddi-socodkii macluumaad ururinta iyo caddeymo hor leh oo laga soo ururiyey goobtii shilku ka dhacay kuwaas oo baadhitaan lagu sameeyey maanta.
โCadeymaha iyo macluumaad cusub oo laga helay Satellite oo ay heshay FAA saaka, ayaa sababay goโaankan,โ Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka FAA.
Tallaabadan ayaa noqonayso mid ka hor imanaysa war-murtiyeed hore oo hayโadda FAA soo saartay maalin ka hor, kaas oo ay ku sheegtay in baadhitaanno ay sameeyeen u muujiyeen inaanay jirin cillad farsamo oo ku yimi hannaan-ka shaqo ee diyaaradda oo ku kallifaya inay amarto hakinta shaqada diyaaradda.