Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Hinda Gaani), ayaa shaaca ka qaadday inay jiraan dhalinyaro u dhalatay Somaliland oo u badheedhay hadimaynta iyo wax-yeellada qaranimada, isla markaana laga maamulo xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiirku waxa ay sheegtay in dhalinyarada oo qaarkood yihiin Suxufiyiin ay mushahar ka qaataanΒ isla markaana u hoggaansamaan inay ku tallaabsadaan hadimooyinka ka dhanka ah qaranimada Somaliland ee laga soo maleego madaxtooyada Soomaaliya.
HADALKA WASIIRKA IYO SIDA AY ARRINTAN U DHIGTAY, KA DAAWO MUUQAALKAN