Hargeysa (SLpost)- Hoggaamiyeyaasha sare-sare ee Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa saaka kulan ku yeeshay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Kulanka oo goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin sare-sare oo ka tirsan Xisbiyada UCID, KULMIYEย iyo WADDANI, isla markaana saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, ayaa la sheegay in lagaga arrinsanayey Qabsoomidda Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, haseyeeshee xogo ay warbaahintu heshay markii kulankaasi soo dhammaaday, ayaa lagu sheegay in laysu af-gartay saddex qodob oo gun-dhig u ah heshiisย laga siman yahay oo saddexdaย Xisbi Qaran.
FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE