Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, Mr. Abdikarim Mohamed Eid (CEO) ayaa ku guuleystay abaalmarinta โHoggaamiyaha Ugu Wanaagsan Afrikaโ ee Hurumarintaย Isgaadhsiinta & Teknoolajiyadda.
Abaalmarintan oo lagu magacaabo “AfricaCom Awards” waxa sannadkasta lagu soo bandhigaa Shirweynaha Teknoolajigga ee โAfricaComโ oo lagu qabto South Afrika. Shirweynahaasi oo ah ka ugu ballaadhan ee lagu soo bandhigo Teknoolajiyadaha Casriga ah ee Kala duwan.
Abaalmarintan oo 14-kii November 2018 lagaga dhawaaqay Shirweynaha AfricaCom oo ay isugu yimaadaan in ka badan tobanaan kun oo qof oo ka socda Shirkadaha Teknoolajiyadaha & Isgaadhsiinta ee Caalamka oo ku qabsoomay Magaalada Cape Town ee dalka South Afrika.
Faahfaahinta warkan oo dhammeystiran, kaga bogo oo daawo muuqaalkan Hoose.
DAAWO BILICDA SAWIRRADA MUUQAALKII GUUD EE XAFLADDA IYO QAABKII ABAALMARINTA LOO GUDDOONSIIYEY GUDDOOMIYE CABDIKARIIM MAXAMED IID.