Nuxurka ay xambaarsan yihiin Wareegtooyin is-huwan oo uu soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi

0

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegtooyin uu maanta soo saaray, waxa uu ku shaaciyey dhaqan-galka Afar Xeer oo kala ah Xeerarka Kufsiga/Xad-gudubyada Jinsiga, Maarayenta Deegaanka, Shirkadaha Somaliland iyo Waxbarashada Qaranka.

Sidoo kale, wareegto kale oo madaxweynuhu soo saaray, waxa uu ku shaaciyey Isku-beddel iyo Dib-u-qaabayn lagu samaynayo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha oo madaxweynuhu si toos ah u hoos keenay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland.

muuse biixi khudbad abu dhabi (47)Wareegtada Madaxweynuhu ku shaaciyey dhaqanka Afarta Xeer, ayaa u qornayd Sidan:- โ€œMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-191/082018, ku dhaqan-geliyey afar Xeer.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

ย 

  1. Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
  2. Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.
  3. Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
  4. Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

 

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Goโ€™aanka Golaha Wakiillada, Goโ€™aan Lr. GW/KF-37/804/2018, summaddiisuna tahay Ref: GW/9/26/166/2018, kuna taariikhaysan 05/08/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin goโ€™aanka ansixinta Xeerarka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018;

Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018;

Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018; iyo

Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018;

 

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Waxaan soo-saaray;

 

  1. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
  2. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.
  3. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
  4. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

 

Sidoo kale, wareegtada madaxweynuhu Dib-u-habaynta ku sameeyey Ciidanka Illaalada Cashuuraha ayaa u dhigneyd sidan:- โ€œMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-184/082018, uu dib-u-habayn ku sameeyey Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee loo yaqaan (Turbataariyada)

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

Dib-u-habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyada)

ย 

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Ahmiyadda Ciidanka Ilaalada Cashuuruhu u Leeyihiin Kobcinta Dhaqaalaha iyo Dar-dar-galinta Dakhli Uruurinta Dalka;

Markaan Xaqiiqsaday: Muhiimadda Dib-u-habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuruhu u leeyihiin Qaranka;

Markaan Helay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Talo-soo-jeedinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee ay khusayso;

Waxaan Goโ€™aamiyey;

  • In laga bilaabo taariikhda maanta dib u habayn lagu sameeyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyada), kuwaas oo noqon doona qayb ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana hoos tagi doona Taliska Guud ee Ciidanka Booliska.

ย 

  • In Taliyaha Ciidanka Boolisku isku-beddel ku sameeyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha lixdii biloodba hal mar, isla markaana la siiyo tababar ku saabsan nidaamka ilaalinta cashuuraha, tacriifadaha badeecadaha, wada-shaqaynta maamulka goobta cashuur-qabashada iyo asluubta la-dhaqanka cashuur bixiyaha.

 

  • In Ciidanka Ilaalada Cashuuraha laga dhigo kuwo leh ugu yaraan aqoon dugsi sare iyo ammaano dhab ah, laguna soo xulo karti iyo hufnaan.

ย 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland