Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddiga Heer Qaran ee Komishanka Xuquuqal Iisaanka oo ka kooban Todoba Xubnood.
Wareegto kale oo ku lifaaqan war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa madaxweynuhu ku magacaabay Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.,
Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo xambaarsan magacaabista Guddiga Xuquuqal Iinsaanka Qaranka, ayaa u qornayd Sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;
Markaan Helay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;
Markaan Tixgeliyey: ย ย ย ย ย ย ย ย Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;
Markaan Sameeyey: ย ย ย ย ย ย ย ย ย La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Goโaamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:
Tir. | Magaca | Xilka |
1. | Maxamed Baaruud Cali | Xubin |
2. | Rooda Axmed Yaasiin | Xubin |
3. | Muuse Cismaan Warsame | Xubin |
4. | Saleebaan Warsame Guuleed | Xubin |
5. | Waris Abshir Xaaji Diiriye | Xubin |
6. | Cumar Maxamuud Xuseen | Xubin |
7. | Cabdirashiid Siciid Cindi | Xubin |
Sidoo kale, Wareegtada madaxweynuhu ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa u qorneyd sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Tixgeliyey:ย ย ย ย ย ย ย ย ย Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka
Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka
Markaan Fiirsaday: ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markaan Sameeyey: ย ย ย ย ย ย ย ย ย In uu hanan karo xilkan;
Waxaan Goโaamiyey;
ย
In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland