Burco (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa ka haddley Xadhiga ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi kula kacday Boqor Buurmadow,waxaanu sheegay inuu xadhiga Boqorku uu yahay mid la xidhiidha muranka Guddoomiyahanimada Xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Xadhiga Boqor Buurmadow aanu ahayn mid la xidhhiidh socdaalkii Puntland uu ku tegay , balse wuxuu yahay mid ka dhashay dumaasha guddoomiyenimada KULMIYE ‘Waxaanu qabnaa in arrinta uu Boqorku u xidhanyahay aanay ahay safarkii uu ku tegay Puntland boqorka iyo Madaxweynuhu kaa wey isla ogayeen oo Boqorka ayaa sheegay oo yidhi Madaxweynaha ayaaidiray, marka uu Hargeysa ka baxayeyna xukuumaddu wey sii macasalaamaysay, marka uu soo noqdayna wey soo dhaweysay, haddana isagoo hudheel jooga ayaa la qabtay,waxa cad waxaa loo xidhay boqorka inay tahay muran ka dhaxeeya KULMIYE oo ah Madaxweynuhu inuu soo wareejiyo Xisbiga KULMIYE sidii ay odayaaashu halkan arintaas ayuu u xidhanyahay Boqorku Ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Ugu Dambayntii Guddoomiye Cirro ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi Inuu fuliyo wacadkii uu la galay Beesha Bariga Burco cahadigii ololaha Doorashada , isla marakaana uu wareejiyo Guddoomiyenimada KULMIYE..”Madaxweynaha waxaanu leenahay wixii aad markii hore odayaasha kula heshiisay dee ogolow oo Boqorka iska siidaa…” ayuu kusoo afmeeray haddalkiisa