Lionel Messi iyo Jose Mourinho oo kala Hoggaaminaya Ciyaartoyga iyo tabobarayaasha ugu mushaharka badan Caalamka

0

SLPOST SPORTS, 20 March, 2012 โ€“ Xiddigga Kooxda Barcelon iyo Qaranka Argentina, Lionel Messi, ayaa noqday ciyaartoyga ugu mushaharka badan caalamka halka macalinka kooxda Real Madrid, Jose Mourinho, uu ka noqday tabobraha ugu mushaharka badan.

Xiddiggan saddexda jeer ku guulaystay abaalmarinta ciyaartoyga ugu wanaagsan caalamka, waxa uu sannadkii Jeebadda ku shubtaa lacag dhan ยฃ27.4 Milyan oo Gini oo ka soo gasha Gunnooyinkiisa, Abaal-marinnada, Xayaysiisyada iyo billadaha.

Xiddigga reer Barcelona mushahar-sannadeedkiisa uu Barcelona ka qaato oo dhan ยฃ13 Milyan waxa ka badan lacagaha uu ka helo xayaysiisyada shirkadaha uu heshiisyada kula jiro ย Adidas and Pepsi.

Qiimeyntan oo ay soo saartay Majaladda dalka Faransiiska ka soo baxday ee France Football Magazine, Messi waxa uu ka kormaray Kabtankii hore ee Xulka Ingiriiska David Beckham oo kaalintan ku jiray.

Beckham oo hadda 36 jir ah wax uu ku jiraa kaalinta labaad isaga oo sannadkii qaataa ยฃ26 milyan isaga oo weli meel wanaagsa ku jira, in kasta oo uu hadda u ciyaaro kooxda Maraykanka ka dhisan ee LA Galaxy.

Xiddigga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa weli ku jira kaalinta saddexaad isaga oo sannadkii qaata ยฃ24 milyan walow uu wali hoggaaminayo gool-dhalinta horyaalka La Liga-ha oo uu ka dhaliyey 32 gool 26ka kulan ee ilaa hadda la ciyaaray xilli-ciyaareedkan.

Weeraryahanka kooxda Manchester United, Wayne Rooney ayaa noqday ciyaartoyga ugu mushaharka badan Horyaalka Ingiriiska isaga oo sannadkii qaata ยฃ17 milyan. Xiddigan kooxda Manchester United waxa uu sannadkii qaataa ยฃ8m, isaga oo inta kalena ka hela xayaysiisyada shirkadaha sida Coca-Cola oo kale.

Macalin Jose Mourinho ayaa noqday tabobaraha ugu mushaharka badan isaga oo qaata ยฃ12.3 milyan halka kaalinta labaad uu ka jiro Carlo Ancelotti oo ah macalinka dhawaan la wareegay kooxda Paris St Germain (PSG) ee dalka Faransiiska isaga oo qaata ยฃ11 milyan, waxaana kaalinta saddexaad ku jira tabobaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola oo sannadkii mushahar ahaan u qaata ยฃ7.88 milyan.

Liiska Ciyaartoyga ugu Mushaharka badan Caalamka

ยฃ27.5mย  –ย  Lionel Messi (Barcelona)

ยฃ26.2mย  –ย  David Beckham (LA Galaxy)

ยฃ24.3mย  – Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

ยฃ19.4mย  – Samuel Eto’o (Anzhi)

ยฃ17.2mย  – Wayne Rooney (Man United)

ยฃ15.7mย  –ย ย  Sergio Aguero (Man City)

ยฃ14.7mย  –ย  Yaya Toure (Man City)

ยฃ13.9mย  –ย  Fernando Torres (Chelsea)

ยฃ12.9mย  –ย  Kaka (Real Madrid)

ยฃ11.9mย  –ย  Philipp Lahm (Bayern Munich)

Liiska Tabobareyaasha ugu Mushaharka Badan Caalamka

Jose Mourinho, Real Madrid | ยฃ12.3m

Carlo Ancelotti, Paris St Germain | ยฃ11m

Pep Guardiola, Barcelona | ยฃ7.88m

Arsene Wenger, Arsenal | ยฃ7.5m

Guus Hiddink, Anzhi | ยฃ7.1m

Sir Alex Ferguson, Manchester United | ยฃ6.7m

Dick Advocaat, Russia | ยฃ5.8m

Jose Camacho, China | ยฃ5.1m

Roberto Mancini, Man City | ยฃ5m

SOMALILANDPOST.NET

sports@somalilandpost.net