Toulouse, 19 March, 2012 (SLpost)- Nin dablay ah ayaa afar qof ku dilay Dugsi ay leeyihiin dadka Yuhuudda ah oo ku yaala magaalada Toulouse ee wadankaasi France .
Sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP, afarta qof ee uu ninkaasi dilay ayaa ahaa Maamulihii dugsiga, Laba Carruur ah iyo Aabahood, iyadoo weliba ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale oo uu ku jiro wiil 17 jir ah oo xaaladdiisu halis ku jirto, iyaga oo intaas raaciyey in ninka weerarkaasi fuliyey uu ku baxsaday dhug dhuglay ama mooto.
Arrintan ayaa lagu tilmaamay markii saddexaad ee nin isku tilmaan ahi uu fuliyo weeraro isku mid ah.
Waxay dhacdooyinka noocan ahi ka dhaceen meelo kala duwan oo ku taala Dalka Faransiiska, waxaana ugu dambeeyey weerar todobaadkii hore lagu dilay saddexc askari halka mid kalena lagu dhaawacay.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa tagay goobta uu dilku ka dhacay, waxaanu sheegay in weerarkaasi uu yahay mid lagu qaaday dadka Frances-ka oo dhan.
SOMALILANDPOST.NET