Hargeysa (SLpost)- Abwaan Cali Laaleys oo ka mid ah Aqoonhanka Qurbejoogga ah ee Eebbe hibada u siiyey Hal-abuurka suugaanta, ayaa soo saaray maanso uu ugu wan-qalay DALIIL, taas oo uu kaga hadlay Xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro, isagoo dhaliilo iyo waanooyinba ugu jeediyeyย Murashaxiinta Saddexda Xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.
Waxa kale oo Abwaanku maansadiisa kula hadlayaa Shacabka Somaliland ee iyagu kala taageersan saddexda Xisbi Qaran, isagoo uguย hoga-tusaalaynaya inaanay ku kala qaybsami loolanka u dhexeeya siyaasiyiinta oo muddo kooban ku eg, waxaanu shacabka faraya inay ilaashadaan nabad-gelyada dalkooda iyo midnimadooda.
HOOS KA DAAWO ABWAAN CALI IYO MAANSADIISA LAALEYS