Hargeysa, 16 March, 2012 (SLpost)- Shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa soo bandhigtay Munaasibad aad u ballaadhan oo ay abaal-marin ku siisay qaar ka mid ah shaqaalaheeda ugu hawl-karsanaa sannadkii 2011, taas oo si toos ah loogala socday dhammaan gobollada Somaliland. Munaasibaddan loogu abaal-gudayey Shaqaalaha shirkadda ayaa waxa ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka kala tirsan xukuumadda haatan talada haysa iyo xukuumaddii hore oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Madaxtooyadaย Mudane Xirsi Xaji Cali, Wasiika Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi, Wasiirka Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, ย Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodijeex Maxamed Cabdi Daa’uud, Wasiirka qorshaynta qaranka Sacad Cali Shire, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Cirro, Madax-dhaqameed, Culimo-u-diin, Xidhibaano, Masuuliyiinta sar-sare ee Shirkadda Telesom, shaqaalaha Shirkadda iyo qaarka mid macaamiisha shirkadda Telelsom iyo marti sharafkale.
Sheekh Yuusuf Sh Aadan Ugu horayn halkaa ka hadalay, ayaa ka warramayย hawsha ay shirkadda Telesom bulshada u qabato isaga ooย ku ammaanay inay tahay shirkad ku sifaysan ammaano iyo adeeg hufan. Waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyeyย qiimaha ay leedahay munaasibaddan ay shirkaddu soo bandhigtay, โWaa dhiirri-glin fiican in la abaalmariyo ciddii mutaysata,โayuu yidhii Sheekh Yuusuf
Madaxa Shaqada Iyo Shaqaalaha Shirkadda TELESOM, Cabdiqaadir Maxamed Sahal,ย oo madasha ka hadlay ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyey sida ay shirkaddu ku xulato shaqaalaha ay qaadaynayso iyo shuruudaha ay hordhigaan, isaga oo sheegayย in ay dhammaan u furantahay qofkasta oo u qalma aqoon-na u leh waxyaabaha ay shirkaddu ku shaqayso, โDadku way noo keenaan CV-yada waanay buuxaan waxaa dhacda in aan mar-mar u yeedhno qofka sanado kadib iyaga oo qaar shaqooyin kale helay markaa way noo mahadceliyaan sida aan u xusuusanahay,โayuu yidhi madaxa shaqada iyo shaqaalaha shirkaddu. Waxa kale oo uu xusay in ay xidhiidh fiican la leeyihiin jaamacadaha dalka gaar ahaan kuwa lagu barto culuumta is-gaadhsiinta si ay ugu fududaato inay ka qaatan haldoorka ardayda.
Guddoomiye ku-xegeenka shirkadda Telesom Maxamud Xaajiย Adam oo ka mid ahaa asaasayaashiiย shirkadda ayaa isna ka hadlay booska ay Telesom ugu jirto dadka iyo dalka oo ay wax badan u fududeeyeen dalka xagga sigaadhsiinta iyo wada socodkaba wuxuuna hadalkiisa raaciyey in shirkaddu marayso meel wanaagsan iyo in ay higsanayso horumar kacsii sareeya.
Sheekh Adan Siiro oo ku hadlaayey magacaย Ganacsatada ayaa isna sheegay in ganacsato ahaan mahadweyn u hayaan shirkadda, โTelesom waxay noogu jirtaa mudnaanta koobaad, waa shirkad la wada leeyahay maaha mid cid gaar ahi iska leedahay, cid waliba wax bay ku darsankartaa markaa waxaan leeyahay qofkii doonaya in uu shirkad macmiil u noqdo ama wax ku darsado, Telesom ha u tagoย iyadaa umadda ka dhaxaysee,โ ayuu yidhi Sheekh Adan Siiro
Wasiirka Madaxtooyadaย Md Xirsi Xaji Caliย oo ka hadlday munaasabadda ayaa sheegay in xukuumad ahaan garabgalayaan ciddii dalka horumar u wadda,ย wuxuuna Telesom ku tilmaamay inay tahay shirkad adeeg wanaagsan oo ay dadku jecel yihiin, โAnagu xukuumad ahaan waxaan taageero, tusaale iyo mid dhaqaalaba u gaysanaynaa muwaadiniinta aan u aragno in ayย dalka wax ku soo kordhinayaan, Telesom-na ay hormoodka ka tahay,โ ayuu yidhi wasiir Xirsi.
Xafladdan abaalmarinta lagu guddoonsiinayey qaar ka mid ah shaqaalaha shirkada oo isaga yimi dhammaan gobolada dalka isla markaana shaqaalaha qaarkood la guddoonsiyey Shahaado sharaf halka qaar kale la gudoonsiiyey amaal-marin lacageed, waxa si toos loo gala socday xarumaha shirkadda ee gobollada dalka.
Ugu dambayn, waxa munaasibadda lagu soo dhaweeyey wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire oo halkaas hadal ka jeediyey ka hor intii aanu shaqaalaha shirkadda guddoonsiin abaal-marinaha, โTelesomย Waxay door mihiima ka qaadatay horumarka dalka iyada oo la ogaaday in cashuurta ugu badan ay sannadkan bixisayย Telesomย cashuurtuna waa waxay dawladdu ku taagan tahay,โย ayuu yidhi Wasiir Sacad.
somalilandpost.net
Hargeysa,Somaliland