Hargeysa, 15 March, 2012 (SLpost)- Ciidamada ammaanka magaalada Hargeysa ayaa goor dhaweyd xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Maxamuud (Buur-madow) oo ka soo degay madaarka Egal Airport ee caasimadda Hargeysa.
Sida ay hawl wadeennada madaarkuย xaqiijiyeen, Boqor ย Cismaan Buur โmadaw ayaa markii uu ka soo degay madaarka ay ciidamadu ammaanku gacanta ku dhigeen, iyadoo gawaadhida ciidamada ammaanka mid ka mid ah lagu qaaday, balse sida ay sheegeen qaar ka mid ah hawl wadeennada Madaarku lama xaqiijin karo halka ama saldhiga lagu xidhay Boqor Buur-madaw.
Warbaahinta qaarkeed ayaa saaka bogaga hore ku soo qoray in la filayo in Boqor Buur-madaw ka soo degayo, madaarka magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay inuu wax ka qabanayo colaadaha ka taagan deegaannada bariga Somaliland.
Ilaa hadda si rasmi ah ugamay hadal masuuliyiinta Xukuumaddu, iyadoo lala xidhiidhinayo xadhiga Boqor Cismaan inuu daba socda hadalo uu hore ugu duray Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadda uu hogaanka u hayo.
SLpost News Desk
Hargeysa, Somalilad