(SL.Post) ย Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in aanay Somaliland khusayn shirka ay martigalinayso dawladda Ingiriisku ee bisha fooda innagu soo haysa lagu qaban doono magaalada London.
Dr. Sacad oo shalay la hadlay warbaahinta, waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay shirkaasi lagu qabanayo magaalada London, waxaanu sheegay in Somaliland aanay ka qaybgali doonin shirarka loo qabanayo Soomaaliya, waxa ย uu uga digay hayโadaha samafalka iyo ganacsatada reer Somaliland in aanay ka qaybgalin shirkaas.
Wasiirku waxa uu xusay in shirkani la mid yahay shirarkii ka horreeyay ee loo qabtay Soomaaliya ee Somaliland aanay ka qaybgalin, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu ย yidhi; ย โShirkaas Soomaaliya ayaa loo qabanayaa, Somaliland-na Soomaaliya kama mid aha.โ ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland
Dr. Sacad Cali Shire waxa kale oo uu intaasi ku daray; โShirkaasi maaha shir ina khuseeya, horana ugamaynu qayb galin shirarka loo qabto Soomaaliya ee ka horreeyay shirkan, kii Istanbul, kii Biljamka, iyo kii Copenhagen lagu qabtayna kamaynu qayb galin, hayโadaheenna samafalka iyo ganacsatadeedana waxaan u soo jeedinayaa in aanay ka qaybgalin shirkaas lagu qabanayo magaalada London ee uu qabanayo dalka Ingiriiska iyaga oo matalaya Somaliland.โ
Somalilandpost.net