
Weerarada ugu badan waxay dheceen sanadkii aanu soo dhaafnay ee 2016-kii.
Waxaa weeraradaasi ku dhaawacmay 560 qof oo ay ka mid yihiin 43 caruur.
Seddax meel oo ka mid ah weerarada waxaa lala eegtay qaxootiga guryo la’aanta ah.
Sidoo kale 1,000 weerar ayaa lagu qaaday guryo ay soo galooti deganaayeen
Go’aanka hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ee xuduudaha ay ugu furtay qaxootiga dagaallada ka soo cararay ayaa “sabab u ah sare u kaca dembiyada naceybka”.
Dalka Jarmalka wuxuu la daalaa dhacayaa kumannaan codsiyo megengelyo doon ah, sidoo kale waxaa jirto cabsi dhanka amniga ah ka dib weerarro “argagixiso” oo dalkaasi ka dhacay.
Weeraro kala duwan ayaa sidoo kale laga geystay qaar ka mid ah dalalka Yurub oo cabsida sii baaahiyay.
Tirada wasaaradda arrimaha gudaha ay shaacisay
- 3,533 weeraro oo lagu qaaday qaxootiga deggan dhismayaasha dad weynaha, sanadkii 2016-kii
- 2,545 oo weeraro oo lagu qaaday shaqsiyaad qaxooti ah
- 560 oo qof oo la dhaawacay, 43 ka mid ahna waa caruur
- 988 oo weeraro oo guryaha qaxootiga ay leeyihiin lala eegtay
- 217 oo weeraro oo lagu qaaday hay’adaha arrimaha qaxootiga ka shaqeeya iyo iskood u caawiya soo galootiga

Laakiin Tirada dadka qaxootiga ah ee galay Jarmalka, sanadkii 2016-kii waxay ahayd 280 kun oo qof.
Tiradaasi ayaa aad uga yar middii sanadkii ka horeeyay ee 2015-kii la shaaciyay, waxayna hoos u dhacday illaa 600 kun oo qof.
Waxaa sababay in tirada ay yaraato xiridda xuduudaha dalalka Balkan-ka iyo heshiiska Midowga Yurub ay la galeen dalka Turkiga.
Arrinta qaxootiga ayaa la filayaa inay noqoto ololaha ugu weyn ee Jarmalka ee doorashada bisha September ee sanadkan.
Tirada ay Axaddii soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Jarmalka waxay ka dhalatay su’aal Barlamaanka uu keenay oo ku saabsan qaxootiga iyo weerarada loo geystay.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Jarmalka waxay si adag ugu cambaareysay weeraradaasi naceybka ah.
“Dadka ka soo qaxay guryahooda ee raadinaya in la difaaco, waxay xaq u leeyihiin in ay Jarmalka ka helaan waxa ay filanayaan ee ah hoy amni ah”, ayuu lagu yiri warbixinta