(SLpost) Goolkii uu Zlatan Ibrahimovic dhaliyay ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayaa xaqiijiyay hanashada koobka EFL Cup.
Waana koobkii koobaad ee uu kooxda u soo hoyiyo tababaraha Manchester United Jose Mourinho tan iyo markii la magacaabay xagaagii, iyadoo uu ka guulaystay Southampton oo dhiiranaan ka muuqatay intii ay socotay ciyaarta oo ka dhacday garoonka Wembley.
Southampton ayaa ku gacan saraysay ciyaartan kama dambaysta ah inteeda badan, laakiin waxaa niyad jabiyay go’aan ofsayt ah oo muran dhaliyay oo lagu diiday gool ay shabaqa ku hubsadeen iyo goolkii uu dhaliyay 35 jirka reer Sweden oo xilli ciyaareedkan dhaliyay 26 gool.

Ciyaaryahanka Manolo Gabbiadiani ayaa goosha ofsaytka ah ee la diiday u dhaliyay Southampton arrintaas oo muran dhalisay, waxayna ahayd ka hor inta aysan United dhashanin labo gool oo ay kala dhaliyeen Ibrahimovic oo daqiiqaddii 19 shabaqa ku hubsaday iyadoo Jesse Lingard-na uu goosha kale keenay todobo daqiiqo ka hor dhamaadka qaybtii koobaad ee ciyaaarta.
Gabbiadini ayaa Southampton u dhaliyay labadii goo lee ay la yimaadeenba.
Oriel Romeu ayaana birta ku dhuftay ka hor inta uusan Ibrahimovic dhalinin gool saddex daqiiqo ka dib isaga oo baas ka helay Ander Herrera, ciyaartii ayaana sidaa ugu dhamaatay 3 iyo 2