USA (SLpost):- Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush ayaa sheegay in
Ameerika ay u baahan tahay jawaabo la xidhiidha baaxadda ay leeyihiin xidhiidhka u dhaxeeya kooxda madaxweyne Trump iyo Ruushka.
Waraysi uu siiyey NBC ayuu ku sheegay inuusan hubin in tani ay u baahnaanayso in la magacaabo dacwad ooge gaar ah, sida ay dalabanayaan qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Dimoqaraadiga.
Mr Bush wuxuu kaloo difaacay saxaafadda xorta ah oo uu sheegay inay lagama maarmaan u yihiin dimoqraadiyadda.
George Bush ayaa xayeysiinayey buug uu qoray oo la magac baxay Portraits of Courage: A Commander in Chiefβs Tribute to Americaβs Warriors, kaasoo lacagta ka soo xaroota lagu caawin doono askartii maraykanka ee shaqaynaysay ka dib weerarradii 9/11 iyo qoysaskooda