Hargiesa(SLPOST) Sarkaal u hadlay Militariga dalka Ciraaq wuxuu sheegay inay daacish ka qabsadeen buundada wobiga Dalja ee Mosul.
Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa hadda u guranaya dhanka Koofurta-Galbeed ee magaalada Mosul.
Booliska sida militariga u tababaran ayaa si xowli ah ugu sii dhowaanaya qeybta degmada Jawsaq, kuwaas oo qabsaday Buundada afaraad.
Buundada shanaad waa midda sida xun u burburtay ka dib duqeymo xoog badan oo loo geystay.
Laakiin haddii dayactiro buundada afaraad waxay caawineysaa ciidamada dagaalka ku jiro si ay u helaan garab iyo ciidamo dheeraad ah.
Dhanka kale, Shaqaalaha gargaarka ee Qaramada Midoobeey waxay sheegayaan inay si aad ah uga walaacsan yihiin xaaladda aadanaha ku nool meelaha ay weli daacish maamusho.
Galbeedka Mosul ayaa la aaminsan yahay inay ku nool yihiin 750 kun oo qof oo shacab ah.
Hayβadda cuntada adduunka ee WFP ayaa sheegtay inay la hadashay qoysas ku nool Galbeedka Mosul.
Waxay sheegeen in βQiimaha raashiinka uu sare u kacay, dadka ku nool meelaha qaarna aysan haysan cunto oo dhanβ.
βXaaladda maahan mid la aamini karo,β ayuu yiri nin 46 sano jir ah oo ku nool Mosul.
βCunto malahan, biyo nadiif ah ma haysano, wax la isku kululeeyo malahan maadaama qabow uu jiro, wax cunto lagu karsado malahan, daawo ma haysano, adeegyada aasaasiga ah way baabeβeenβ, ayuu yiri ninkaasi.
Mosul waa magaalada weyn ee ugu dambeysa ee weli ay qeybo ka mid ah ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada daacish.