SLpost SPORTS – Lukas Podolski ayaa dhammaadka xilli-ciyaareedkan noqon doonaa ciyaartoy ka tirsan kooxda Arsenal ka dib markii kooxdiisa Cologne ay aqbashay inay xiddiggan Jarmalka ah ay wadaarsato xaddi lacageed oo dhan ยฃ10.9 Milyan.
Todobaadkii hore ayuu Podolski heshiish shakhsi ah la galay kooxda Arsenal, caqabadda kaliya ee heshiiska hortaallayna waxa ay ahayd goโaanka kooxda uu ka tirsan yahay 26 jirkan xulka Jarmalka u ciyaaraha.
Inkasta oo markii hore ay kooxda Cologne dalbatay ยฃ18 milyan balse waxa qiimahaas hor istaagtay kooxda Arsenal oo markii hore qiimaha ay ciyaartoygan ku dalbatay ahaa ยฃ8milyan, haddana waxa ay kooxda Arsenal mar kale ku soo rogaalcelisay rabitaanka ciyaartoygan ka dib markii ay kordhiyeen qiimaha taasina ay aqbaleen naadiga ka dhigan horyaalka Bundesliga.
Weeraryahanka Jarmalka ah ayaa tegi doona garoonka Emirates ka dib marka uu dhammaado horyaalka Jarmalka waxaanu saxeexi doonaa heshiis afar sannadood ah isaga oo todobaadkii qaadana 100,000 oo Gini
Ku soo biiritaanka Podolski ee Kooxda Arsenal ayaa la sheegay inuu si weyn uga qayb-qaatay difaaca Arsenal ee Per Mertesacker oo todobaadkii hore sheegay in qaar ka mid ah xiddigaha ay xulka Jarmalka uwada ciyaaraan wax weydiiyeen xaaladda kooxdiisa.
somalilandpost.net
sports@somalilandpost.net