Dhaqanka Soomaalida qaybtiisa ku saabsan sinnaanta bulshada iyo xulshada geyaan aad iyo aad buu u foolxun yahay, marka laga eego qaabka loola dhaqmo bulsha la hayb-sooco. Hab-dhaqanka ku salaysan faquuqa iyo yasida, waxa si weyn u diidan daโyarta damiirka wanaagsan ee la hanaqaaday sebenka cusub. Si kastaba ha ahaatee marka baadhis lagu sameeyo sababta loo takooray beelaha Soomaalida ee la yaso, iyaga oo muuqaal, midab, dhaqan, luuqad iyo ahaantoona ka duwanayn kale. Waxa jira sheekooyin tira badan, oo lagu saleeyo inay keentay takoorka beelahaasi, bal aynu qaar ka mid ah soo qaadano.
- Aragtida koowaad: waxa ay leedahay wakhti aad u fog geyiga Soomaalida waxa ka jiray beel aad u tiro badan oo awoodeeda ballaadhan ugu talin jirtay, kuna xukumi jirtay beelaha kale oo dhan. Lama garanayo waxa la isku qoonsaday, waxaase la sheegay beelihii kale isbahaysteen inay dagaal ku qaadeen kuna jebiyeen beeshii awoodda badnayd. Ayaandarro intii la diley mooyee intii kale oo maxaabiis laga dhigay ayaa xero lagu ooday, halkaasina ay badankoodii silic iyo gaajo ugu leโdeen. Dadkii ka hadhay beeshii laga adkaaday darxumo darteed xeradii ciqaabta qaar baa ku dhintay. Maalintii qof xerada ku dhintaba, bulshadii kale waxay halhays ka dhigatay weedhaโ maanta Mid Goโโ. Weedhaasi waxa loola jeeday maantana qof baa dhintay. Intii yarayd ee ka badbaaday Allena ka samatabixiyey xeradii ciqaabta, maadaamoo aanay lahayn xool iyo beertoona, waxa ay noqdeen dabato, islamarkaana waxa ay dantu ku keliftay inay nolol-maalimeed ka dhigtaan kuna shaqaystaan meheradaha Soomaalidu ka faanto sida, ugaadhsiga, kabo-tolis, bir-tumis, timo xiiris, xool-qalidda IWM. Waxa kale oo weliba lagu sameeyey bahdil iyo ab dhalasho doorin, iyada oo lagu tolay halhays ahโ MID GOโโ. Magaacsi oo muddo ka dib isu rogay hayb-beeleed oo la takooray.
- Aragtida labaad: waxa ay leedahay, oday la odhan jiray Gorgaarte Hawiye ayaa laba wiil dhalay (Maxamed iyo Maxamuud). Seben lagu jiray xilli jiilaal iyo abaar darani dhacday oo gaajo darani asiibtay dadka, oo dabadeedna naftu ku daba yaraatahay ayey heleen neef bakhtiyey, waxa aanay dantu ku kelliftay inay neefkii bakhityey hilibkiisa wax ka cunaan. Markay ka dhargeen, ee naftii ku soo noqotay ayuu Maxamed Gorgaarte neefkii bakhtiyey hilibkiisii badh u soo qaatay si uu sahay uga dhigto, balse walaalkii Maxamuud wuu diiday inuu wax hilib ah qaato. Sidoo kale ayuu Maxamuud hilibkii neefka iska matajiyey. Markay gurigoodii ku soo noqdeen, waxa ay aabahood u sharaxeen wixii dhacay, odaygii wuxuu u qaadan waayey inay wiilashiisu bakhti cuneen, dabadeedna wuxuu u yeedhay wax-garadkii beesha, arrintii dhacday ayuu hordhigay. Arrintani waxa ay noqotay wax cusub (ugub), waxaana loo xilsaaray xeerbeegti goโaan ka soo gaadha waxa laga yeelayo, wiilashan shilku ku dhacay. Ka dib xeerbeegtidii waxa ay goโaamiyeen in Maxamed Gorgaarte la takooro oo aan la guursan faraciisa, maadaamoo ahayn geyaan la siman bulshada inteeda kale. Goโaankaasi wuxuu horseeday in faracii Maxamed Gorgaarte loo aqoonsaday MIDGO, waxana la raaciyey kooxihii hore loo takooray.
Labadaa aragtiyood waa sheekooyinka Soomaalidii hore ku sheegi jireen inay tahay sababihii loo takooray beelaha laga tirada badan yahay. Balse sheekooyinkaasi intood badani waa shay afka laga yidhi, oo aan loo haynin wax cad oo lagu qanco. Markaad eegto sheekada ugu dambaysa, waxa markiiba ku soo baxaysa inay diinta Islaamka iyo caqliga wanaagsan ka horimanayso. In qof gaajo u dhimanaya lagu takooro maxaad bakhti u cuntay waa gef wen oo xaga Alle laga galay, waayo shareecadda Islaamku waxa ay ogoshahay oo xalaal ah in neef bakhtiyey wax laga cuno, intii qofku gaajo u dhiman lahaa.
Gabaygan waxa tiriyey Faarax Maxamuud Maxamed oo ah nin qoraa/gabyaa ah degganna Virginia, USA.
Nin dood jecel maan ahayn
Afkaygana waan dabraa
Wixii ila doonta buuq
Daandaansi anoon jeclayn
Ayaan ku dayaa wanaag
6) Hayeeshee doodan furan
Gabooye raggaas ku duulan
U diiday xaqooda daahay
Dagaal u badheedhay duudsi
Inaan daalacan runtii
Wixii rabbi iigu deeqay
Deeley gabay dood qayaxan
Waxaan dembi iga gelayn
Sidii danab roob ka dhacay
Inaan ku deyaamiyaa
Damiirka wanaagga iyo
Dareenkaygaa i-yidhi
Nin baa beri raacay dooni
Badddaas buu darafta gooyey
Duulaanku halkuu ku waday
Meeshii damaciis ahaa
Dantiisa ma uusan sheegin
Dabaylaa lagu saliday
Darbaalkii doonta waday
Ayaa dacalada ka jabay
Habeen baa soo dig yidhi
Cirkii diriraa onkoday
Duufaan xooglaa gilgilay
Halkii naftu doorbiddiyo
Dariiqii baa ka lumay
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
TixRaac:
C/qaadir Aroma AHNโฆโฆ.Hadimadii Gumeysiga (2005)