Hargeysa (slpost):- Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah eeย Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro isla markaan ah gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu maanta ka qeyb galay caleemo saar loo sameeyey suldaanka guud ee beesha Guuyoobe (Ciida-Gale)
Gudoomiyaha oo saaka subax safar kaga jarmaadey magaalada Hargeysa ayaa waxaa safarka ku ย wehelinayey saraakiil sar-sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana ay ka qayb galayeen caleemo saarka Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal),oo lagu caleemo saarayo tuulada Qotondabo ee bariga magaaladda Hargeysa.
Wefdigan uu hoggaaminayo guddoomiye CIRRO,ayaa waxay soo dhaweyn ballaadhan kala kulmeen shacabka tuulada Qotton-dabo,waxaana ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan.
Salaadiin,Wax-garad iyo cuqaal ku soo dhaweeyey guddoomiye Cabdiraxmaan CIRRO,iyo wefdigiisa tuuladaasi ayaa u galbiyey goobta uu ka dhacayo caleemo-saarka Suldaanka Guud ee Beelaha Maxamed Daaโuud (Guuyoobe),oo ka dhaceysa deegaankaasi ee Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal).
Gudoomiyaha oo madashii ay xaflada caleemo saraaaku ka dhaceysay hadalo kooba ka yidhi ayaa waxaa uu suldaankan da dayar alleh uga baryey in uu ku asturo xilkaas maanta loo comaamadey waxana uu yidhi
โWaxaan alleh ka baryaaya in suldaan Maxamed Cadilaahi in alleh u naxariisto suldaanka cusubna dar daaran odhanย maayo oo intii la yidhi baa ku filan odeyaalย iyo waayo arag baa hadley .
Ibraahim na waan la qabaa oo da,yaraan ma jirto basle in gacanta la qabto waa waajibย markaa munaasibadu maadama oo munasibad dhaqan tahay waxย kale anigu ku dari maayo maanta โ ayuu yidhi Gudoomiye Ciro