DHahar (slpost)-Sida uu sheegay taliya guud ee ciidamada melletariga Somaliland Sareeye Gaash Ismaaciil SHaqale waxa saaka dagaal ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo maamulka puntland Deegaanka looyaqaan Booda cad oo 30KM magaalada DHahar ee gobolka sanaag.
Taliyaha oo BBC da lahadlayay ayaa sheegay in ciidanka Puntland saaka weerarkusoo qaadeen Saldhig ay ciidanka Somaliland ku leeyihiin meesha looyaqaan Booda- cad ,isagoo intaa raaciyay in Ciidanka Somaliland ayka guulaysteen ciidankii puntland kana qabsadeen Sadex gaadiidka dagaalka ah iyo Lix maxbuus oo uu ka mid yahay ayuu yidhi Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka puntland oo dagaalka ku jiray magaciisana  layidhaahdo Maxamed Canjeex  horena u ahaan jiray wasiirku xigeeenka wasaarada diinta iyo awqaafta maamulka puntland
Sidoo kalena generalku waxa uu sheegay in diiwaan galinta codbixinta ay u socoto sidii loogu talo galay dhamaanba goobaha sanaag bari
DHanka kalena Xildhibaanka tirsan baarlamaanka Somaliland Xildhibaan baar siciid oo iyaduna BBC da u warantay igadoo joogta Degmada DHahar ayaa sheegtay in Diiwaan-Galinta Codbixiye-yaashu u socoto si nabad galyo ah