Hargeysa (SLpost)- Sagaal ruux ayaa la sheegayย in ay ku dhinteen shaqaaqo dhexmartay laba beeloodย meesha loo yaqaano dharkayn-geenyo ooย ka tirsan gobolka Sool, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.ย ย sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyahaย gobolka Sool Musate Cabdi Ciise (Mustafe-shiine).
Dagaalka dhexmaray labada beelood ayaa la sheegay in uu ka bilaabmay khilaaf ka dhashay Maq ayย u kala qaadanayeen dhibaato hore u dhexmartay labdaasi beelood. Isagoo xusay guddoomiyuhu in gudiga nabadgeliyadda ee gobolka Sool ay isla shalay ka fadhiisteen arrintaasi isla markaana ay ka soo saareen gโaamo lagu deminayo colaadaasi.Guddoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise,ย ooย xalay khadka telefoonka ugu waramay wargayska DAWAN.isagoo joogay magaaladda Laascaanood. Waxa uu yidhiย ย โDagaalka saaka (shalay) ka dhacay Dharkayn-geenyo waa mid jira,ย waxaanu ka bilaabmay xoolo mageed oo lagu kala qaadanayey dhib hore oo labadaa dhinac u kala gaadhay ilaa iyo hadda tirada dhimashada ee aanu ka maamul ahaan haynaa waa 9 nin labada dhinacba.
Iyadooย ay jirto tiro ka badinaysaa waayo waxaanu ka war haynaa in dagaalku laba jeer dhacay oo galabtaย (shalay galab) goor gaaban dagaal danbe dhacay. Halkaย dhaawucuna uu tiradaa ka badan yahay mana jirro wax dhaawac ah oo magaalada Laascaanood na loogu keenay.โ
Waxaย kaleย oo gudoomiyuhuย uu sheegay inย ย gudida nabadgelyada gobolku ka fadhiisteen goโaamana ka soo saareenย deminta iyo wax ka qabashadda arrintaasi, goโaamadaasi oo ay ka mid yihiin โIn maadaama magaalada Laascaanood labada reer-ba joogaan ciidanka, hubka, saanadaย iyo sahaydaba intaba ay ka heli karaan oo ay u taalo in aanu xidhno dhamaan dariiqyada oo dhan si aanay xoojin u helin, sidoo kalena guddi ahaan waxaan soo saarnay baaq nabadeed oo ku wajahan labada dhinacโ ayuu yidhi Mustafe-shiine.
Badhasaabku waxa uu intaasi ku darayaย in ay xukuumada sare iyo wasaaradooda arrimaha gudaha la socodsiiyeen kana sugayaan amar iyo goโaan wasaaradeed iyo mid xukuumadeedba taasna ay si dhaqso ah uga sugayaan jawaab ay ku hawlgalaan.
Dhinaca kale garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee gobolka Buuhoodle, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha shaqaaqadu dhex martay, waxaanu yidhiย โWaxaanu ku baaqaynaa anigoo ku hadlaya afka madaxda dhaqanka ee gobolka iyo deegaankaba in colaaddaas la joojiyo, xabada qoriga laga saaro, noloshana uu qorigu u danbeeyo.ย Sidooย kale ay yihiin dad walaalo ah ood-wadaag ah ceel iyo carshinba wadaaga, wiil, abti,ย seedi iyo sodog isku yihiin ILLAAHAYย waxaan uga baryeynaa inuu kala qaboojiyo oo nabad iyo maslaxad khayr qabtanaย kala dhex dhigo.โ