- Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ku dhawaaqay Dhaqan-gelinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda.
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu shaaciyay go’aanka madaxweynaha, waxaana go’aanka madaxweynaha lagu sheegay sidan:
“Madaxweynaha Somaliland
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Goaan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wuxuu Soo Saaray,
Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.”
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada JSL.