Hargeysa, 25 February, 2012 (SLpost)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan la yeeshay wefti ka kooban shan xubnood oo ka socda shirkadda Caalamiga ah ee TOYOTA MARILL oo dhawaan waddanka ka hirgelinaya qaybtooda Somaliland
Weftigan oo uu hoggaaminayey agaasimaha Maamulka ee Shirka Lucmaril kuna wehelinayeen Denis Bouzin, Kateryn Bourgine, Β Cismaan Cabdi Cismaan Wakiilka Somaliland ee Shirkada TOTOYA MARILL iyo Siciid Jaamac Cali, waxa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici oo ugu horreyn sooΒ dhaweeyey inay shirkaddani dalka ka hirgeliso maal-gashiga shirkad caalami ah isaga oo xusay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo dalkan maalgeshi ka samaysnaysa.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada laguna xusay kulanka madaxweyne ku-xigeenka iyo weftiga iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen ayaa u dhignaa sidan:
βMadaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda shirkada caalamiga ah ee TOYOTA MARILL, waftigan oo ka koobnaa shan xubnood ayaa waxaa hogaaminayay Agaasimaha maamulka shirkadaasi una qaabilsan wadamada jabuuti, Somaliland iyo soomaaliya LUCMARILL.
Madaxweyne ku xigeenka waxaΒ uu uga mahad-celiyey xubnaha weftigaasi booqashada ay ku yimaadeen dalka, waxaanu xusay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo maaligelin ku samaynaysa Dalka, waxaanu intaa raaciyey Madaxweyne-ku-xigeenku in ay gacan ka gaysan doonaan waxkasta oo lagam-maarmaan u ah hirgelinta shirkadan xukuumad ahaan.
Agaasimaha Maamulka ee Shirkada TOYOTA MARILL ee dalka Jabuuti oo kulankaasi ka hadlay waxa uu uga mahad celiyey Madaxweyne ku xigeenka sidii wanaagsanayd ee uu ugu qaabilay xafiiskiisa waxaanu ka xog-waramay agaasimuhu dedaalka ay ugu jiraan in shirkad ahaan ay xafiis-ka furtaan Somaliland oo ah Dal nabdoon, xasiloon isla markaana ku talaabsaday horumar ganacsi, iyo Dimuquraadiyad taasi oo keentay in ay shirkadoodu ay ku soo hirato arrintaasi, oo ah ta sababtay TOYOTA MARILL ay hormood u noqoto shirkadaha caalamiga ah ee ka jira Somaliland.
Dhinaca XukuumadaΒ waxa kulankan ku wehelinaayey La-taliyaha xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Mudane, Cismaan Siciid Jaamac iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka JSL, Cali Xuseen Nuur
Dhinaca Weftiga
1.Β Β Β Β Β Β Β Β Lucmarill Managing Director
2.Β Β Β Β Β Β Denis Bouzin
3.Β Β Β Β Β Β Kateryn Bourgine
4.Β Β Β Β Β Β Cismaan Cabdi Cismaan Wakiilka Somaliland ee Shirkada TOTOYA MARILL
5.Β Β Β Β Β Β Siciid Jaamac Caliβ
SOMALILANDPOST NEWS
webmaster@somalilandpost.net